Sargaal maanta qeyb ka ahaa Askartii Fulinaysay Xukun dil ah oo loo geesanayay 13-Qof oo isna ku dhintay Halkaasi

Sargaal maanta qeyb ka ahaa Askartii Fulinaysay Xukun dil ah oo loo geesanayay 13-Qof oo isna ku dhintay Halkaasi

daajis.com:-Maamulka Puntland ayaa sheegayu in Hal sargaal uu ku dhintay Xili Xukun Dil ah lagu fulinayay 13-Qof oo mid kamid ah haweeney aheed kuwaa oo ku eedeesnaa Shabaabnimno loona heestay Dilal loo geesto Culamo caan ah iyo dad kale.

Wasiirka wasaarada Amaanka Puntland Gen Khaliif Ciise Mudan ayaa Warbaahinta u sheegay in mid kamid ah Askartii Dilka fulineysay uu ku dhintay Rasaastii lagu ridayay dadkii La dilayay kadib markii Xabad dhulka ku dhacday ee kusoo noqotay Sargaalkaasi.

“Weyjirtaa geerida Sargaalkan, Alaha u naxariisto, reerkiisii iyo umada Puntlandba waan ugaga tacsiyadeynayaa, Xabadiha markii la tuurayay ayaa xabadi dhulka ku dhacday, xabadii baa ku soo noqotay, sargaalka ayay ku dhacday, dhaqtarka ayaan ula orodnay laakiin tii rabi baa timid oo waa uu dhintay”

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay dadkii Maanta Xukunka Dilka ah ku fulisay Maxkamada Boosaaso waxa uuna xusay in dadkaasi ee ahaayeen Shabaab sidoo kale lagu helay dambiyadii loo heestay oo kamid aheed dilal loo geestay Dr Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan iyo dadyow kale oo meel sare kaga jiray mushtamacaha Puntland.

Maanta ayey aheed markii meel Fagaare ah lagu toogtay 13-Qof oo mid kamid ah Haweeney aheed kuwaa oo lagu helay dambiyo kala duwan sida Dilal ee geesteen Qaraxyo iyo Fal dambiyeedyo la xariira Argagaxisinimo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada