Germany Waa Awooda Cusub Ee Yurub, Laakiin Halkee Ayay Ka Galeysaa Qiimeynta Wadamada Kale Ee UCL.

Germany Waa Awooda Cusub Ee Yurub, Laakiin Halkee Ayay Ka Galeysaa Qiimeynta Wadamada Kale Ee UCL.

daajis.com:-Wembley waxaan ku arki doonaa markii ugu horeysay taariikhda oo labo kooxood oo Jarmal ah ay ciyaaraan finalka Champions League.

Waana markii afaraad oo labo kooxood oo isku wadan ay soo xaadiraan finalka koobkaan ugu qiimaha badan kooxaha Yurub, waxaana hore u sameeyay Spain (Real Madrid-Valencia), Italy (Milan-Juventus), iyo England (Man United-Chelsea).
Borussia Dortmund iyo Bayern Munich ayaana Jarmalka ku soo celiyay halka ugu sareysa kubada cagta Yurub, iyagoo 25ka bishaan May isku wajihi doona London oo ah magaalada martigelineysa ciyaarta finalka.
Kooxdii maalintaas qaada koobka waxa ay ka dhigan tahay in Germany Champions League qaaday 7 jeer, waxaana ay hal koob ka sarre marayaan Netherlands. Si kastaba weli uma dhawa wadamada kale ee Yurub iyo sida ay koobkaan ugu guuleysteen.
Spain ayaa hogaamineysa oo koobka Champions League kooxaheeda ay qaadeen 13 jeer (Real Madrid 9 iyo Barcelona 4), Italy 12 jeer (AC Milan 7, Inter Milan 3, Juventus 2) si la mid ah England 12 jeer (Liverpool 5, Man United 3, Nothingham Forest 2, Chelsea 1, Aston Villa 1)
Iyagoo durababa hantay horyaalka Bundesliga islamarkaana u gudbay finalka German Cup. Bayern waxa ay indhaha ku hayaan inay qaadaan koobkoodii shanaad ee Champions League. Dhan kale Dortmund ayaa iyadana ciyaareysa markeedii labaad abid finalka koobkaan ka dib markii ay 1997dii ka qaadeen Juventus.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada