Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay Weerar la doonayay in lagu laayo Ajaaniib u dhalatay Dalka Qadar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay Weerar la doonayay in lagu laayo Ajaaniib u dhalatay Dalka Qadar

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shekh Macxamuud ayaa si kulul uga hadlay Weerar Ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho kaa oo lagu doonayay in lagu qaarijiyo Wafdi kasocday Dalka Qadar oo Muqdisho soo gaaray.

Madaxweynaha waxa uu xusay in Weerarkaasi uu aaa mid Argagaxiso ay ka dambeeyeen Dagaalamaayaasha Al-Shabaab waxa uuna xusay in eesan jirin wax Qasaaro ah oo soo gaaray Wafdigii kasocday Dowlada Qadar ee Maanta lagu Weeraray Weerarka Ismiidamainta ah balse dad Shacab ah ee qasaaro kasoo gaareen.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in Todobaadkan ee fasiliyeen Weeraro tiro badan ee Shabaab diyaariyeen ayna ugu magic dareen Todobaadkii Cadaabka Soomaaliya kuwaa ee doonayeen in ka fuliyaan Magaalada Muqdisho ayna dad badan ku laayaan.

Madaxweynaha ayaa intaa raaciyay in Ciidamada amaanka Soomaaliya gacanta ku dhigeen rag badan oo katirsan Al-Shabaab oo qorsheenayay fulinta Weerarada ee Shabaab maleegayeen iminkana baaritaano uu socdo laguna daba joogo kuwa kale oo Magalaada iyana ku jira kana shaqeenaya falalka amaan daro.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xili Maanta Isgooska KM-4 ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Weerar Ismiidaamin ah ee ku dhinteen dad kabadan 10-qof halka tiro kalana ee dhaawacyo soo gaareen kuwa aoo dhamaantood ahaa dad Shacab ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada