Warbixin Argagax leh Qaxooti Soomaaliyeed oo lagu kacay Addoonsi, kufsi iyo Falal kale oo aad u naxtin badan

Warbixin Argagax leh Qaxooti Soomaaliyeed oo lagu kacay Addoonsi, kufsi iyo Falal kale oo aad u naxtin badan

daajis.com:-Ciiddamadda Ammaanka ee dalka Yeman ayaa la sheegay inay soo badbaadiyeen Kumanaan Qaxooti Soomaali iyo Ethiopian ah, kuwaasi oo si sharci-darro ah loogu shaqeysan jirey, isla markaana lala galmoon jirey.

Kooxaha dadka Tahriibiya ayaa lagu eedeeyey inay Qaxootigaasi u gacan-geliyeen Kooxo kale oo si khasab ah Qaxootiga ugu shaqeysiin jirey Beero ku yaalla Gobalka Haradh ee ku yaalla Waqooyiga Yeman.

Ciiddamadda Ammaanka ayaa sheegay inay soo furteen 1,670 Qaxooti tan iyo bishii April 7-dii ee sannadkan, kuwaasi oo si khasab ah uga shaqeyn jirey dhul-beereedyo ku yaalla Gobalka Haradh.

Warbixin ay Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn (Medecins San Frontieres “MSF” soo saareen laguna soo daabacay cadadkii shalay ee Shabakadda Wararka ee Alsahwah.net ayaa lagu xusay in qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida la haystay muddo dhowr bilood, isla markaana loo geystay jirdil, kufsi wadareed, iyadoo qaar ka mid ah ciddiyaha laga siibay.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay inay Hay’adda MSF daaweysay inta badan Dhibanayaasha Qaxootiga, kuwaasi oo qaarkood noqday dad Waashay.

Inta badan Qaxootigaasi waxaa la dhigay Isbitaalka MSF ku leedahay magaalladda Al-masraq ee ku dhow magaalladda Haradh , waxa eena wali kasoo kabsan tacadiyadii foosha xumaa ee lagula kacay.

Qaxootiga addoonsiga iyo kufsiga lagula kacay ee la daaweynayo ayaa waxaa ku jiray 62-carruur iyo 142-haween oo kala bar aad u il-daran.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada