Ra’isul Wasaaraha Turkiga oo Qaadacay ka qeyb galka Shir weynaha Soomaalida ee Magaalada London ka dhacaya

Ra’isul Wasaaraha Turkiga oo Qaadacay ka qeyb galka Shir weynaha Soomaalida ee Magaalada London ka dhacaya

daajis.com:-Ra’isul wasaaraha Dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan, ayaa waxa uu Khadka Telfoonka si gooni gooni ah kula hadlay, Dhigiisa Dalka Britain, David Camiron iyo Madaxweynaha Dalka Faransiiska Francois Hollande.

Illo ku dhow-dhow Xafiiska Ra’isul wasaaraha Turkiga, ayaa sheegay inuu David Camiron usoo diray Telfoon Dhigiisa Turkiga kuna casuumay Shirweynaha looga hadlayo Arrimaha Somalia oo lagu waddo inuu maalinta Talaadada ka furmo London.

Rajab Dayib Erdogan, ayaa ka cudur daartay inuusan ka qeybgali doonin Shirkaas, inkastoo uusan wax sabab rasmi ah bixin.

Wakaaladda wararka u faafisa Dalka Turkiga (Anadolu Agency), ayaa sheegtay inuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Ahmed Davutoglu, uu horkici doono Wafdiga Dalka Turkiga uga qeybgali doono Shir weynaha Soomaalida ee London.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaaraha Turkiga iyo Madaxweynaha Dalka Faransiiska, ayaa waxay Khadka Telfoonka waxa ay kala xaajoodeen xiriirka labada dal, Wada-xaajoodka Xubinimada Turkiga ee Ururka Midowga Yurub iyo Xaaladaha ka taagan Somalia, Syria iyo Mali.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada