Odayaasha Dhaqanka Hawiye oo soo jeediyay fikir ka nixiyay Qolyaha Kismaayo ku shirsan.

Odayaasha Dhaqanka Hawiye oo soo jeediyay fikir ka nixiyay Qolyaha Kismaayo ku shirsan.

daajis.com:-Nabadoon Axmed Diiriye Cali, Afhayeenka odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye, ayaa ku baaqay in la qabto shir ay u dhanyihiin dadka deeganada Jubbooyinka oo dadka lagu heshiisiiyo si ay u dhismaan maamul ay ku qanacsanyihiin oo sed buursi laga ilaaliyo.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali waxa uu dalbaday in shirkaasi uu noqdo mid wax faragalin ah aysan ku hayn Dowladaha dariska ah sida Kenya oo uu sheegay in ay gadaal ka riixesyo shirka maamul u sameynta Jubooyinka ee Kismaayo ka soscda.

Afhayeenka ayaa yiri, “Waxaan ku baaqeynaa hadaan nahay dhaqanka Soomaaliyeed in shir weyne arinta Kismaayo looga hadlayo la qabto, Waxa hada socda shir lama dhihi karo waa arin dana gaar ah ay ka leeyihiin shaqsiyaad jinsi Soomaaliyed leh iyo Kenya”

“Adeer wax ka soo baxaya malahan shirka Jubaland lagu dhisayo, Kenya dalkeenna maamul uma sameym karto, Kenya hadii ay faraha kala bixi weyso arimaha Soomaaliyeed waxaa muran geli doona dhulka hada ay naga heysato” Nabadoon Axmed Diiriye Cali Axmed Diiriye ayaa sidaa Warbaahinta u sheegay .

Hadalka Axmed Diiriye ayaa waxa uu wadna qabad ku yahay Kooxaha u ola leynaya Maamul Kenya hoos taga oo laga dhaqan geliyo Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada