Xildhibaano Muxaafid ah iyo kuwa Mucaarad ah oo dagaal gacmaha la iskula tagay dhax maray(Daawo Sawirada)

Xildhibaano Muxaafid ah iyo kuwa Mucaarad ah oo dagaal gacmaha la iskula tagay dhax maray(Daawo Sawirada)

daajis.com:-Dagaal gacanta la isula tagay ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee Baarlamaanka dalka Venezuela kadib markii uu murran xoogan dhexmaray xildhibaanada muxaafidka iyo kuwa mucaaridka.

Gacan ka hadal ayaa ka bilowday mooshin ay keeneen xildhibaano muxaafid ah kuwaasi oo sheegay in Baarlamaanka aysan khudbado kasoo jeedin karin Xildhibaanada mucaaridka.

Mooshinkan ayaa la xariiray kadib markii Xildhibaanada Mucaaridka diideen inay Madaxweynaha dalkaasi xilka loo dhaariyey ee Nicolas Maduro u aqoonsadaan inuu yahay madaxweynaha sharciga ah.


Mid ka mid ah Xildhibaanada la garaacay Xildhibaanada Muxaafidiinta ah ayaa dhankooda sheegay in Xildhibaanada Mucaaridka aysan xaq u lahayn inay ka dhex hadlaan Golaha Shacabka inta ay diidan yihiin aqoonsiga Madaxweynaha la doortay.

Xildhibaanada Mucaaridka oo doonayey inay horjoogsadaan Mooshinka Golaha la horkeenay ayaa buuq iyo sawaxan ka dhex bilaabay hoolka shirarka arrintaasi oo markii danbe faraha ka baxday.

Doodan ayaa keentay in xildhibaanada qaarkood ay gacanta isula tagaan arrintaasi oo markii danbe isu bedashay dagaal saf balaaran ah oo hoolka shirarka ku dhexmaray xildhibaanada kala taageersan labada dhinac.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com






Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada