Xaaska Ra,iisulwasaare hore C/wali gaas oo ka maseyrtay Ubaxa Guduudan oo la guddoonsiiyay

Xaaska Ra,iisulwasaare hore C/wali gaas oo ka maseyrtay Ubaxa Guduudan oo la guddoonsiiyay

daajis.com:-Xaaska Ra,iiuslwasaare hore Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa aad ugu maseystay gabar ka mid aheyd Jaaliyada Puntland ee Ra,iisulwasaaraha ku soo dhoweysay Magaalada Oslo ee Dalka Norwey kadib markii Gabadhaasi ay Guddoonsiisay Ra,iisulwasaaraha Ubaxa guduud ah oo loogu tala galay in ay isa siiyaan dadka is jecel.

Gabadha oo laga yaabo in aysan kala garanaynin midabada Ubaxyada iyo macnaha ay gudbinayaan ayaa waxaa qabtay sawirada laga qaaday Xaflada iyadoo Ra,iisulwasaare Gaas guddoonsiinayso Ubax guduudan lagana dareemayay wax xoogaa dareen shaqsiyadeed oo soo jiidasho leh.

Waxaa kaloo laga dareemaa Sawirka in Mudane Gaas uu Ubaxa ugu Guddoomay gabadha si naxariis iyo dabacsanaan ku dheehan oo ka duwan sida dadka kale uu u samaalayay, taas oo dhalisay shaki ah in Gaas iyo Gabadha ay si gaar ah isha isugu hayeen oo dadka qaar ayba leeyihiin waa dad horay isu yaqaanay oo Oslo ku kulmay.

Si kastay ahaataba Haweenayda u dhaxday Ra,iisulwasaare Gaas oo aanan jeclaysan Midabka Ubaxa la guddoonsiiyay iyo qaabka uu u guddoomay ayaa Mudane Gaas ku furtay buuq u muuqday in Maseyr uu ku salaysnaa.


Mudane Gaas oo la yaabay ayaa u sheegay in shaydaanka ay iska naarto, mida kale uu dareemay in Ubaxa gabadha ay Guduudan uusan aheyn mid ku haboon in uu gabar ka qaato laakiin ma aanan diidi karin oo gabadha waxaa laga yaabaa in aysan waxba kala socon fariinta uu bixinaayo Noocaas ah ayuu yiri.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada