Al shabaab oo qorsheynaya in gudaha Kenya ku tababaraan dhalinyaro taageersan iyo Kenya oo ciidamadeeda hee...

Al shabaab oo qorsheynaya in gudaha Kenya ku tababaraan dhalinyaro taageersan iyo Kenya oo ciidamadeeda hee...

daajis.com:-Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay heshay warbixino sirdoon oo muujinaya in Xarakada Al-Shabaab ay damacsantahay in dhalinyaro Kenyaan ah ay si qarsoodi ah tababaro ciidan ugu siiyaan degaano ka tirsan dalkeeda gaar ahaan gobolka ay daganyihiin Soomaalida Kenya ee Waqooyi Bari iyo qaar kale oo mid ah degaanada ku teedsan .

Saraakiisha amaanka gudaha Kenya ayaa feejignaan buuxda geliyay dadka degaanka Mwingi oo u dhaw magalada Gaarisa kadib markii ay soo baxaday digniintan ku aadan cabsida ay ka qabaan Al-shabaab .

Warbixintan ay heleen laamaha amaanka ayaa sheegaysa in Mwingi ay tahay goobta ugu horeysa oo ay Al-shabaab qorsheynayaan in ay dhalinyaro Kenyaan ah ku tababaraan maadaama ay tahay meel muhiim ah isu socodka gaadiidka ukala sfara Magaalooyinka Gaarisa iyo Caasimada Nairobi.

Taliyaha booliiska degaanka Mwingi Leonard Baini ayaa sheegay in Al shabaab ay si qarsoodi ah uwadaan abaabul dhalinyaro si ay uhelaan dhalinyaro tababaran hadana taageersan kuwaas oo xilli walbo falal amni xuma ah ka fulinkara dalka Kenya.

Marka laga tago magaalada Gaarisa ee lagu sii jeedo Nairobi ayaa waxaa lasii maraa degaanka Mwingi oo ka mid ah meelaha ugu badan ee lagu baaro dadka sharci darada kugala Niarobi yo intabadan magaalooyinka muhiimka ah ee dalka Kenya.

Taliyaha booliiska Mwingi ayaa waalidiinta degaankaasi ku booriyay in ay si dhaw ula socdaan caruurtooda si aysan Al Shabaab ugu guuleysanin qorshaha ay ku doonayaan in Kenya ay ku yeeshaan wakiilo danahooda fuliya isagoona qeexay in ciidamada amaanka ay si gooni ah ula socon doonaan dhalinyarada isticmaalaya magacyada inta badan labaxaan Al Shabaab iyo kuwa qaab nololeedka lugu yaqaanay uu is badal ku yimaado taas oo uu ka dhawaajiyay in ay tahay calaamadaha ugu horeeya oo ay Al-shabaab dhalinyarada ku sameeyaan xilliga ay fikradahooda ka dhaadhicinayaan oo ay doonayaan in ay ku biiriyaal ururka Al-Qacida.

Dowlada Kenya ayaa dhowr marar ku eedeysan Xarakada Al-Shabaab dilal iyo qaraxyo ka dhacay dalkeeda xilli Al shabaab iyo Kenya ay isga soo horjeedaan gobolada Jubbooyinka waxii ka dambeeyay markii ciidamada Kenya ay gudaha ugaleen Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al shabaab.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada