Florentino Perez Oo Xaqiijiyay In Jose Mourinho Uu Ku Laabanayo Chelsea.

Florentino Perez Oo Xaqiijiyay In Jose Mourinho Uu Ku Laabanayo Chelsea.

daajis.com:-Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa lagu soo waramayaa inuu xu xaqiijiyay Sky Sports in Jose Mourinho uu ku laaban doono Chelsea.

Tababaraha reer Portugal ayaa si aad ah loo filayaa inuu ku laabto Stamford Bridge xagaagan isagoo shalay hogaamiyay kulankiisii ugu danbeysay ee Real Madrid.
Sky Sports News ayaa sheegeysa in madaxweynaha Real Madrid uu iyaga u sheegay in Mourinho ay xaqiiq tahay inuu ku biiri doono Chelsea oo ah koox uu macalin u soo ahaa intii u dhaxeysay 2004 iyo 2007.
Waxaana ay arintaan ku soo aadeysaa xilli Premier League ay raaligelin ka bixisay war ay soo dhigeen website-kooda oo ay ku xaqiijiyeen in Jose Mourinho uu ku laabtay Chelsea, warkaasoo markii danbe la ogaaday in loogu talogalay in la baahiyo marka la xaqiijiyo soo laabashadiisa balse uu qof ku degdegay.
Mourinho ayaa shalay guul ku macsalaameeyay shaqadiisii Real Madrid markii ay 4-2 kaga badiyeen kooxda Osasuna oo marti u aheyd.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada