Gareth Bale Oo Xanaaqay Islamarkaana Diiday Inuu Soo Xaadiro Tababarka Tottenham.

Gareth Bale Oo Xanaaqay Islamarkaana Diiday Inuu Soo Xaadiro Tababarka Tottenham.

daajis.com:-Heshiiska 99ka milyan euro ee uu Gareth Bale uga tagayo Tottenham ayaa u muuqda mid lagu sii dhawaanayo, iyadoo ciyaaryahanka garabka ka ciyaara uu maanta seegay tababarkii kooxda.

Xiddiga reer Wales ayaa lagu sawiray isagoo fasax ku qaadanaya sabtidii iyo axadii Marbella dalka Spain, taasoo keentay inay soo baxaan warar sheegaya in Bale uu noqon doono ciyaaryahan Real Madrid galabinada talaadada oo maanta ah.
Laakiin sadaashaas ayaa noqotay mid aan macquul aheyn markii ay soo baxeen warar sheegaya in Bale uu ku laabtay UK galabnimadii shalayto, iyadoo tababaraha Spurs AVB uu xaqiijiyay inuu filanayo inuu Bale soo xaadiro tababarka kooxda talaadada maanta ah ka dib markii uu u ogolaaday inuu fasax qaato sabtidii iyo axadii.
Laakiin Sky Sports News ayaa sheegeysa in Bale uu ku guuldareystay inuu soo xaadiro tababarkii saaka, isagoo aad uga careysan sida kooxdiisa haatan Tottenham ay u la macaamileyso Real Madrid oo ah kooxda uu doonayo inuu ku biiro.
Waxaana ay u muuqataa in samirkii uu ka soo dhamaaday Bale, madaama Tottenham ay ka caga jiideyso inay si dhaqso ah heshiis u la gaarto Los Blancos.
Iyadoo heshiis lix sanno ah iyo mushahar 310 kun ginni isbuucii ah ay Bale ku sugeyso Bernabeu, malaha waa ay fududahay in la arko sababta uu u qasbanayo in la fasaxo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada