Madonna oo sanad gudihii ku soo xareysay aduun dhan 125-m$.

Madonna oo sanad gudihii ku soo xareysay aduun dhan 125-m$.

daajis.com:-Fanaanada caanka ah ee Madonna ayaa mudo 12-bilood ah kusoo xareysay aduun dha 125-milyan oo doolar, sidaas waxaa lagu qoray bogga Forbes, iyadoo la ogyahay in albumkii ugu dambeeyay ee fanaanadu uusan guul weyn gaarin.


Madonna ayaa ah fanaanad iska yaabis badan, sidoo kale waa fanaanad guulo badan taageero farabadnna ku leh daafaha caalamka, Julay 2012 ilaa Julay 2013, Madonna waxay soo xero gelisay 125-milyan oo doolar, waana qarashkii ugu badnaa ee halsano ay soo xareyso.

Qarashka ugu badan ee Madonna halsano qabato waxa uu ahaa 110-miyan oo doolar, waxayna arintaas dhacday sanadkii 2009-ki.  


Sidaas oo ay tahay albumka "MDNA" oo ah kii ugu dambeeyay ee fanaanadu soo saartay ma noqon sidi la filayay in kasoo bandhigiisi dad badani soo buuxiyeen. 

Kaalinta labaad waxaa kasoo muuqday Steven Spielberg oo isagu uruursaday 100-milyan, booska sedaxaad waxaa 95-milyan kuwada galay sedax xiddig oo caan ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada