Naseeho Walaalaha guurdoonka ah [inta aadan is diiwaan gali kahor].

Naseeho Walaalaha guurdoonka ah [inta aadan is diiwaan gali kahor].

daajis.com:-Hadii aad tahay dadka internetka guurka ka raadiya waxaan kugula talinayaa arimahan inaad ku talo gasho.


  • Internetka cilmi ama khibrad u lahow sida loo isticmaalo.
  • Guurka aad raadinaysaa inuu daacad kaa yahay, si aadan qofkale wakhtigiisa iyo wadnihiisa aadan ugu ciyaarin, waayo hadii ay adiga ciyaar kaa tahay waxay u badan tahay qofka kale ee ku aaminay inay isaga daacad ka tahay. Hadaba daacad ahow.
  • Ilaa aad qofka sifiican u hubsato inuu daacad yahay hasiin, magacaaga saxda ah ama macluumaadka muhiimka ah sida, magacaaga, tlf, sawirkaaga iwm.
  • Samayso email ugaara arintan oo aan ahayn emailkaaga caadiga ah, si aad uga badbaado emailyo aadan doonayn oo badani inay kusoo dhacaan emailkaaga caadiga ah.
  • Waa muhiim inaad u sheegto qofka ad la xidhiidhayso ama websiteka aad iska qorayso arimahan, dadaada saxda ah, dhulkaad dagan tahay, mihnadaada, cilmigaaga, xaas inaad leedahay ama hore usoo yeelatay, caruur inaad leedahay iwm.
  • Qoraalkaaga soo koob oo wixii muhiima oo aad isleedahay qof waad ku qancin kartaa kusoo koob. Iska jir in qoraalkaagu noqdo muxaadaro dheer, cid wakhti kuu haysaa majirto markan.
  •  Ka dheeroow oo aad iyo aad uga dheeroow inaad macluumaad beena iska sii hor mariso, waxaa hubaala inay dumin doonto hadhow sheeko aad ina badan soo dhisaysay. Been reer iyo guri midna laguma bilaabo.
Iinsha Allaah la soco qoraalada kale ee ku socda qaabka ugu wanaagsan ee aad guurku raadin karto.

xiggasho:Khadijahome.com
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada