Nesehat Walaalaha guurdoonka ah [Wiilasha].

Nesehat Walaalaha guurdoonka ah [Wiilasha].

daajis.com:- Ka dheeroow hadalka badan maalinta u horaysa ee aad is baranaysaan gabadha ha ahaan midka isagu kaligii hadla sidii uu khudbadaynayo. Sii wakhti naftaada iyo iyadaba si ay iyana usheegato waxay narbto. Hablo badan waxay ka cawdaan nimanka iyagu un hadla ee iska sheekeeya. Ka dheeroow inaad usoo labisato maalintan inaad khudbadayso, waa maalin isbarad ee maaha maalintaad ka sheekayn lahayd qisada noloshaada. Jaanis sii walaashaa oo hadalkaaga iyo keeda isu miisaan.
  • Labis qurux badan oo aadan ka bad badin kana yar yarayn sii xidho. Labis sharaftaada iyo raganimadaada muu jinaya ku dadaal, dhalo barafum ahna inaad isku sii jabiso ka dheeroow waayo isbarasho iyo wada hadal ayaa meesha loo yimid.
  • Aad iyo aad isooga jir inaad la cidlowdo walaashaa, adiga iyo iyada midna uma fiicna sumcadiina. Gabadhan inaad ceeb ka ilaaliso ayaad u baranaysaa ee maaha inaad ceeb usoo jiido oo meel caama oo carab bani adam oodhan uu idinka arkayo hatagina ee meel u qalanta islamnimadiina raadsada. Ku balama in saaxiibadeed ay soo kaxaysato tusaale si ay uga dheeraato Khilwada.
  • Sii qoro 10 shay oo aad rabto inaad ka ogaato gabadhan nolosheeda. Waa inay ahaadaan 10shay oo aad hubto inay yihiin kuwaad ku dooran lahayd xaaskaaga mustaqbalka. Dhamaan 10kan inaad ka wada hesho gabdha kaliya way adag tahay sidaa darteed midba midka uu kaaga muhiimsan yahay soo hor mari oo 5ta ugu muhiimsan horaysii.
  • Ha noqon Bakhayl oo adoo faro madhan hala kulmin gabadha. Hana noqon mid ka badbadiya shay yar oo aad ku qanacsan tahay khaladna aan lagaaga fahmayn sii qaad.
  • Hadal kaaga u fiirso oo wax xishood keenaya hal kala sheekaysan, waxay u badan tahay inay markaaba kaa qaadato sawir ah waa ciyaalo suuq kani.
  • Maalinta is barashadu waa isbarasho kaliya ee maaha inaad durba guurkii aad dhex gasho, dabcan waxa la isu baranayaa waa guur xalaala sababta loo kulmayaana waa taas, waxaase wanaagsan in shay walba la siiyo wakhtigiisa, yaan lagaa dareemin inaad dagdag ku dhamayso arinta markiiba. Taasi waxay muujinaysaa inaad u danleedahay shay kaliya.
  • Daacad ahaow hadalka aad gudbinayso ha ahaado mid dhab ah, hadii aad wax kale ku dardarto ogow hadhow marka lagu waydiiyo inaadan xasuusanayne, hadalka daacada ahi waa midka toos qalbigu u aqabalo.
  • Qaabka aad cuntada u cunayso hadii aad cunto cunaysaan ama cabitaan sida shaaha iwm ogow qaabka aad u cunaysaa uu kaa bixinayo dhaqankaaga joogtada ah, hadaba hadii aad tahay nimanka aaminsan in afka oo lagu rido gacan mugeed oo cunta ahi inay raganimo tahay, ogow in gabdhaha oo dhan ayna cajabinayn taasi, shaaha marka la cabayo oo shanqadh looyeelaana ogow inay tahay magaalo joog xumo aan la jeclayn, hadaba hala shirtagin wax sawirkaaga xumaynaya.
Lasocoqaybaha kale.

Xiggasho:KhadijaHome.com
WQ: Anisa Sh Ibrahim
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada