Tips Walaalaha guurdoonka ah [Hablaha].

Tips Walaalaha guurdoonka ah [Hablaha].

daajis.com:- Iska jir oo ka dheeroow inaad isa sii qurxiso, makeup aad sii marsato ama parfume aad isku sii shubtaa waxay dhalinaysaa tuhun iyo inuu markiiba isa su’aalo, hadhow marka ay isu kay qurxin siday u eekaan tolow. Sharaftaada iyo diintaada midna uma fiicna ee ka dheeroow labadaas. Sida ugu qurux badani waa xishoodkaaga iyo xurmadaada, labadaas haduu kaa arko ogow qurux kabadan intaas inuuna maanta kaa rabin, abuurka uu Ilaahay kuu abuuray ku kal soonow.


  • Hakuu cadaato oo yuuna madmadow kaaga jirin in sababta aad ula kulmaysaa ay tahay sabab cad oo muuqata taasoo ah guur xalaala, hadaba qofkaad guurka ka doonayso waxaad ku aqbali karto iyo waxaad ku diidi kartaaba ha ahaadaan kuwo aad taqaano oo aan laguu soo tilmaamin.
  • Ka dheeroo inaad ka mid noqoto hablaha markaliya la sheekaysta dhawr wiil, waxay kugu keenaysaa kasooni la’aan iyo inaad kala garan waydo midkaad rabto. Wiilasha aad la sheekaysanaysana dulmi ayaad ku samaynaysaa oo ixtiram uma haysid marba hadaad is leedahay iska tijaabi waa intaas oo uu ku anfacaaye.
  • Hadii uuna ku cajabin oo aadan ku qancin usheeg adoon dareenkiisa dhibayn, hadii aadan dhaqso ugu sheegin waxay u badan tahay inuu u arkay inaad ku qanacday, hadii aad tahay hablaha dhaha wuu iga xumaan ee seen ugu sheegi, saw ma ogid inay dhaawac wayn ku tahay inaad ku dhahdo kuma rabo hadhoow isagoo iska dhaadhiciyey way ku rabtaa. Hadab marba hadii aad aragtay inuuna ku qancinayn sida ugu dhaqsaha badan ugu sheeg si aad u dhawrto wakhtigiisa iyo kaagaba.
  • Kalsooni iyo isku filnaan hadii uu kaa arko maalinta u horeysaba inaad tahay gabadh isku kalsoon oo wax qabsata, dhalin yarada samankani aad ayey u jecel yihiin taas, isku filnaanshahuna maaha inaad tahay mid aan loo talin karin.
  • Qosolka iyo kaftanka badan ka dheeroow hana noqon mid qalafsan oo laga baqo, ahow mid dhexdhexaada oo aan ka badbadin.
  • Sadex ka ogow maalinta u horeysaba, sida uu diinta ku yahay, waxa uu qabto iyo qoyska uu kasoo jeedo (qabiil maaha ee waa reerka dhalay) xidhiidhkoodu sida uu yahay.
  • Hadii uu ku cajabiyo oo aad ka heshay dareensii si aan toos ahayn hana wada tusin inaad ka heshay, u sheeg inuu Okey yahay. Niman badan kama helaan gabadha waraaqaheeda marka u horaysaba soo wada saarta, dareensii hana wada dareensiin inaad ku qanacday.
  • Wax ka ogow oo maskaxdu hakuu sii furfurnaato inta aadan shukaansi galinba, wax kasii baro nimanka iyo noocyada ay kala yihiin, wax ka sii ogow nolosha guurka iyo mas’uuliyadaheeda.
Lasocoqaybaha kale.

WQ: Anisa Sh Ibrahim

Xiggasho: khadijahome.com
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada