Ragga Haweenka Noocaan Ah Uma Dhawaadaan ! Duqda Iska Badel Arimahaan.

Ragga Haweenka Noocaan Ah Uma Dhawaadaan ! Duqda Iska Badel Arimahaan.

daajis.com:- Dabeecado oo ay haween badan leeyihiin ayaa si weyn ragga uga careysiiya xilli haweenka aysan dhab ahaan ka  war hayn , hadaba daajis ayaa ku siineysa  qaar ka mid ah liiska haweenka ay neceb yihiin .


Midda Carabka Dheer :  waa midda carabkeeda ka dhigta hub ay ku weerarto ragga subax iyo galab , hadii arin yar oo ay xaq u laheyd ninka uu ka gaabiyo roob kaga dhigta aflagaado.

Midda Ganuunaca Badan :  wax ay ka mahad celineyso ma jirto , nolosheeda dhan dacwad iyo eed ayay ku dhameysataa , wanaag waliba oo uu ninka u qabtana waxa ay  ka dhigtaa hal bacaad lagu lisay .

Midda Areebada Ah : ma daryeesho gurigeeda , ninkana kama helo guriga wax uu ku il doogsado , mar waliba dhar wasaq iyo timo waqooyi iyo koonfur ukala jeeda ayay kaaga hor imaaneysa .

Midda Hadalka Badan sidoo kale midda bakhiiladda ah ragga ma jecla oo ninka aan siineyn caadifada jaceylka waaa badan keenteeda waaan yar bixinteeda .

Sidoo kale midda leh maseerka ka bad badiska ah iyo sida ragii u dhaqanta ragga kumanaan mitir ayay ka sii fogaadaan ee  gabaryaheey taxadar yeelo .

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada