Abuu Mansoor Al-amriiki "Waxaan ka mid ahay muslimiinta beelaha Raxanweyn".

Abuu Mansoor Al-amriiki "Waxaan ka mid ahay muslimiinta beelaha Raxanweyn".

daajis.com:-Abuu Mansoon Al-amriiki oo ka mid ah dagaalyahanada Ajaaniibta ah ee sanadihii ugu dambeeyey ka barbar dagaalamayey ururka Al-shabaab ayaa wareysi uu dhowaan siiyey ideecada VOA waxa uu ku sheegay in uu ka tiran yahay Muslimiinta beelaha Raxanweyn.

Hadalkan ayuu sheegay kadib markii la weydiiyey su'aal ku saabsan cida uu ka tirsan yahay hadiiba uu iska fogeeyey ka mid ahaanshaha Alshabaab iyo Alqaacida.

Wareysigan intii uu socday waxa kale oo uu sheegay inuu yahay argagixiso balse aanu ahayn Alqaacida iyo Alshabaab, waxa kale oo uu sheegay in uu keymaha ku dhuumanayo si uu naftiisa uga badbaadiyo Axmed Godane oo uu ku tilmaamay nin dantiisa fiirsanayo xitaa hadii ay ka hor imaaneyso shareecada Islaamka.

Al-amriiki oo sidoo kale magaciisa dhabta ah yahay Cumar Xamaami waxa isaga iyo Muqtaar Rooboow ay ka mid yihiin dagaalyahano Alshabaab ka tirsan oo naftooda kala soo baxsaday hogaamiyaha ururkaasi Godane oo mudooyinkan waday olole uu ku beegsanayo cid walba oo aragtidiisa shaqsiga ah ka hor timaada, waxaana ka mid ahaa dadkii ka soo baxsaday oo dowladda isu soo dhiibay Xasan Daahir Aweys oo dil ku xukumanaa.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada