Axmed Madoobe oo wajahay Niyad xumi tii ugu weyneyd. (Waa maxay sababtu)

Axmed Madoobe oo wajahay Niyad xumi tii ugu weyneyd. (Waa maxay sababtu)

daajis.com:-Hoggaamiyaha Maamulka KMG-aha ee Jubba Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe) oo ka mid ahaa ergadii ka qeyb gashay shirkii New Deal ee Soomaaliya kana dhacay Magaalada Brugssels ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan shirkaasi.


Hogaamiyaha Maamulka Juba Axmed Maxamed Islaam, waxa uu sheegay inuu aad uga deerinaayo Nidaamka Beesha Caalamka ay ku dooneyso inay kula dhaqanto Somalia, waxa uuna sheegay in iminka uu kalsooni xumo ka muujiyay dhaqangalinta shirarka arrimaha soomaaliya ee Caalamka.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Caalamka wax badan uu balan qaaday inuu lacago ugu yaboohayo Soomaaliya hadana wax ka dhaqangala aysan jirin.

Waxa uu sheegay in Soomaalida shirar lagu qabto dibadda aysan ugu jirin dan balse taasi badalkeeda uu ka doorbidayo kuwa gudaha dalka lagu qabto markaasina uu Caalamka wax u qabanayo. 

Sidoo kale, waxa uu Tilmaamay inay jiraan niyad jab kaga imaaneysa dhanka Beesha Caalamka waxa uuna Tusaale usoo qaatay ballamihii dhowr jeer laga qaaday Somalia oo ilaa iyo iminka la suuragalin. 

Dhanka kale, Madaxweynaha dowladda Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirkii Brussels oo si ku duwan shirarkii hore uu u arko.

Si kastaba ha ahaatee, Dadka Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa dhankooda muujinaya in dhaqangalka qodobada shirka Brussels ay tahay kaliya mid afka ku kooban balse aysan aheyn mid ficil ahaan loo muujiyo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada