Cadaanka Dalxiisayaasha ah & Dadka lacagta leh oo Kenya iskaga Qaxaya (Daawo Muuqaal ahaan Cabsida taagan ) !!

Cadaanka Dalxiisayaasha ah & Dadka lacagta leh oo Kenya iskaga Qaxaya (Daawo Muuqaal ahaan Cabsida taagan ) !!

daajis.com:-Kadib weerarkii halista ahaa ee maalmo yar ka hor lagu qaaday rugta gancsiga dalka Kenya ee Westgate Mall ayaa durbadiiba waxaa soo shaac bacay cabsi xoogan oo ay qaadeen dadka Ajaanbita ah ee u soo dalxiis tagi jiray dalka Kenya gaar ahaan kuwa Cadaanka ah iyo kuwa dhaqaalaha leh 



Qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka ayaa waxa ay si toos ah u sii baahiyeen dad badan oo Dalxiisayaal ah iyo kuwo ganacsi kala duwan ka waday gudaha dalka Kenya oo boorsooyinkooda ka duub duubtay dalkaas kuwaas oo la baqaya nafsadooda. 

Cabsida ka taagan gudaha dalka Kenya ayaa bilaabatay ka dib markii Maleeshiyaadka kooxda Al Shabaab ay hub aad u fara badan la soo dhex galeen xarunta ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nayroobi oo xiliyadii hore ahaan jirtay goobaha ugu amniga wanaagsan ee sida weyn loo sugo amnigeeda. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada