Laba gabdhood oo Somali -Canadian ah oo dhaawac ka soo gaarey weerarkii xarunta ganacsiga Westgate(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Laba gabdhood oo Somali -Canadian ah oo dhaawac ka soo gaarey weerarkii xarunta ganacsiga Westgate(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Laba gabdhood oo walaalo ah Somali -Canadian ah ayaa waxaa la sheegay inuu dhaawac ka soo gaarey weerarkii ay maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ay ku qaadeen xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi ee dalkaas Kenya. 



Gabdhahaan walaalaha ah oo lagu kala magacaabo Dheeman Cabdi oo 16 sano jir ah iyo walasheed Fardowsa Cabdi oo 17 sano jir ah yaa waxaa la sheegay inuu ka soo gaarey dhaawac weerarkii ay dhawaantaan ku qaadeen maleeshiyaadka kooxda Alshabaab xarunta ganacsiga ee Westgate, Gabadhahaan walaalaha oo xilligii uu weerarkaas dhacaayey ku sugnaa xaruntaas ayaa Dheeman waxaa soo gaarey dhaawac fudud halka walaasheed Fardowsa uu gaarey dhaawac culus, Fardowsa ayaa waxaa lala beegsaday bam gacmeed iyadoona uu halkaas ka soo gaarey dhaawac halis ah gaar ahaan lugteeda, Fardowsa oo uu dhaawaceedu ahaa mid culus ayaa waxaa dhamaanteed qariyey dhiig badan taas oo ay u qaateen ciidamada dalka Kenya iyo heyadaha gurmadka inay dhimatay iyadoona halkaas lagu eeganaayey mudo 2 saacadood ka badan oo ayna ku dhiig baxday ilaa markii dambe la ogaaday inay dhaawac tahay oo ay nooshahay. 

Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaas Fardowsa aysan xaaladeeda caafimaad wanaagsanayn ayaa ehelada gabadhaasi waxay dadaal ugu jiraan sidii loogu qaadi lahaa dalka Canada si loogu daaweeye halkaas maadaama ay dhaqaatiirta dalka Kenya ay sheegeen inaysan wax ka qaban karin xaaldeeda caafimaad, Arinta la yaabka leh ee ku saabsan dhaawaca gabdhahaan ayaa waxay tahay in gabdhahaas oo ay ka muuqatey inay yihiin gabdho Muslim ah oo Soomaaliyeed ayaa hadan waxay maleeshiyaadkaas ay ku qaadeen weerarkaas iyagoona si toos ugu tuurey bamkaas xili ay u jeedeen inay yihiin gabdho xijaaban, Gabadhahaan walaalaha ah ayaa waxay dalka Kenya ku noolaayeen mudo ilaa iyo 4 sanadood ah iyaga oo ka soo noqday dalka Canada oo ay ku dhasheen kuna soo koreen. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada