Wadaad caan ah oo si aan ganbasho laheyn u taageertay weerarkii Al-shabaab ka geesteen Westgate Mall

Wadaad caan ah oo si aan ganbasho laheyn u taageertay weerarkii Al-shabaab ka geesteen Westgate Mall

daajis.com:-Sheikh Maxamuud C/llahi Gelle, oo ah Guddoomiyaha Ururka Xizbulah ee Somaliland, ayaa sheegay inuu xaq yahay Weerarkii lagu qaaday Xarunta Ganacsiga ee dhawaan lagu weeraray Magaalladda Nairobi.

Sheikh Gelle waxa uu sheegay in Weerarka noocaasi ah uu yahay mid laga doonaayo inuu fuliyo ruux walba oo Muslim ah, isagoona sheegay inay mudan tahay in Alshabaab lagu amaano Guullaha ay ka gaareen Weerarkaasi Xarunta Ganacsiga Kenya.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Xizbullah ee Somaliland Sheikh Gelle waxa uu sheegay in Weerarkaasi uu tilmaamaayo in weli ay taagan tahay iska caabinta u dhexeysa Alshabaab iyo waxa uu ugu yeeray Gaaladda, waxa uuna Farta ku goday inay iska celin wax ku leeyihiin Gaaladda haddii ay soo galaan taako ka tirsan dalkooda.

‘’Waxa ay mudan yihiin iska celin, Alshabaab xiligii hore iyaga ma doonan weerarka ee iyaga ayaa lala soo maagay oo dalkooda loogu imaaday, weyna ka jawaabeen waxa ayna gaaladda geysteen dhibaatooyin weyn iyaga oo Kufsanaaya Gabdhihii waana inay iska caabiyaan inta awoodooda ah’’ Ayuu yiri Sheikh Gelle.

Ugu dambeyntii, waxa uu Sheikh Gelle sheegay inay waajib tahay in la iska qabto Gaaladda isla markaana guul ay tahay weerarka Xarunta Ganacsiga ay kula wareegen Alshabaab.

Xiggasho: Allbanaadir.com_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada