Ciidamada Dowlada oo xiray Sargaal sare oo katirsanaa Ururka Xisbul Islaam oo Muqdisho kusugnaa(Daawo Sawirkiisa)

Ciidamada Dowlada oo xiray Sargaal sare oo katirsanaa Ururka Xisbul Islaam oo Muqdisho kusugnaa(Daawo Sawirkiisa)

daajis.com:-Sida ay ku waramayaan Saraakiil katirsan Ururka Xisbul Islaam Ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Hay'ada Nabad Sugida ayaa xabsiga dhigay Sargaal sare oo katirsanaa Ururkaasi Mudooyinkaana kusugnaa Muqdisho.

Wararka laga soo xigtay Xubno katirsan Xisbul Islaam ayaa xaqiijinaya in la xiray Maxamed Macalin oo ahaa Xoghayihii Arimaha Dibada Ururka Xisbul Islaam maalin kahorna Magaalada Muqdisho shir Jaraa'id uu ku qabtay ku shaaciyay in Shir Ururkooda uga furmay Muqdisho.

Ciiamada Nabad Sugida ayaa saragaalkan kala baxay Hotel uu ka dagnaa Magaalada Muqdisho , waxaana wali si rasmi ah looo ogeyn halka lagu xiray Sargaalkan katirsanaa Ururkii Xisbul Islaam uu dhisay Hogaamiyana ka ahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hada ku xiran Xabsi Nabad Sugida Muqdisho ku leedahay.

Sargaalkan hada lasoo warinayo in la xiray ayaa kamid ahaa Xubnihii Sheekh Xasan Daahir Cadaado kala yimid kuna xirnaa Xabsiga nabad Sugida inkastoo la siidaayay Sargaalkan iyo saraakiil kale oo katirsanaa Xisbul Islaam.

Maxamed Macalin ayaa Maalin kahor Sheegay in Dowlada Soomaaliya damacsan tahay in Sheekh Xasan Daahir ku wareejiso Xabsiga Dhaxe ee Xamar si xiligaasi kadib loo soo taago Maxkamad milatari oo qaadeysa Dacwadaha loo heesto Sheekha.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada