GROUP E: Basel Oo Stamford Bridge Ku Jajabisay Ukumihii Mourinho Ka Dib Markii Ay Tumeen Chelsea.

GROUP E: Basel Oo Stamford Bridge Ku Jajabisay Ukumihii Mourinho Ka Dib Markii Ay Tumeen Chelsea.

daajis.com:-Kooxda reer Switzerland ayaa Chelsea dhabarka u saarisay guuldarro xanuun badan iyo ku bilaabashadeedii ugu xumeyd xilli ciyaareedkan oo dhan tan iyo intii uu Roman Abramovich uu iibsaday ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen kooxda Blues oo marti loogu ahaa Stamford Bridge. 

Chelsea ayaa ciyaarta koontarooleysay qeybtii hore balse ma jirin fursado waa weyn oo ay abuureen labada kooxood. Laakiin Chelsea ayaa hogaan ay u qalantay ciyaarta u qabatay dhamaadkii qeybta hore markii David Luiz uu weerar tagay isagoo kubad u dhiibay Lampard kaasoo isna xerada goolka kubada ugu sii dhiibay Oscar kaasoo kubad joog hoose dabamariyay goolhaye Sommer. Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea. 

Basel ayaana daqiiqadii 71aad heshay goolka barbaraha ka dib markii Mohamed Salah uu kubad qatar ah uu ku tuuray cagtiis bidix uu shabaqa ku hubsaday, isagoo kooxdiisa ku soo celiyay ciyaarta. 10 daqiiqo ka dib Basel ayaana hogaanka u qabatay ciyaarta markii Steller uu madax ku dhaliyay kooner ay heleen isagoo hor istaagay Cahill. 

Waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay kooxda Basel, iyadoo Jose Mourinho uu guuldarro kula bilowday Champions League kooxda Chelsea ka dib ku soo laabashadiisii kooxda ee xilli ciyaareedkan. Dhanka kale kooxda Schalke 04 ayaa guul ku bilaabatay Group E ka dib markii ay 3-0 ugu awood sheegteen kooxda Steaua Bucuresti. Goolasha oo yimid qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa u kala saxiixay Uchida iyo Kevin-Prince Boateng iyo Julian Draxler.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada