DAAWO: Milyaneer Aas la yaab ah u sameeyay Gaari uu lahaa si uu Aakhiro ugu isticmaalo

DAAWO: Milyaneer Aas la yaab ah u sameeyay Gaari uu lahaa si uu Aakhiro ugu isticmaalo

daajis.com:-Warbaahin Wararka faafisa oo la yiraa Odity Central ayaa soo bandhigtay Sawirro uu Nin ganacsade ahi ku xabaalayo Baabuur qaaliya oo uu leeyahay si uu maarka uu dhinto aakhiro ugu isticmaalo.

Ganacsadahan soo dhigay Bogagga Xiriirka Bulshada, kuwaas oo ay ka muuqato isagoo Gaarigiisa oo ku fadhiya 500 Kun oo Dollar ku aasaya God uu qoday, wuxuuna markaas ku fikirayay in Nolosha Raaxada ah ee uu iminka heysto aanay dhamaan doonin marka uu dhinto ka dib.

Sawiradan ayaa Caro ku abuuray Dad badan oo Ninkan u arkay mid is muujis badan, iyagoo ku dooday in halka uu Lacagta Shanta Boqol ee Kun oo Dollar gaaraysa Dhulka ku qasaarin lahaa, inuu Dadka dhibaateysan ku caawiyo.

Waxa ay noqotay Dhacdo cajiib ah oo inta badan Bulshadda Caalamka dhagafaar ku riday, waxaana arrintaasi qalinka kadaba qaatay Warbaahinta Caalamka oo iyana la cajiibtay Dhacdadaasi.

Ganacsadahaani, ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu yahay mid aad u raaxa jecel oo aan laheyn wax Diin ama dabci ah, balse uu yahay Ruux xooga saara sidii uu kusoo muuqan lahaa.

Ugu dambeyntii, Ganacsadahaani ayaa waxa uu iminka halkaasi kusoo afjaray sticmaalka gaarigiisa waxa uuna iibsaday gaari kaasi lamid ah.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com






Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada