Daawo Sawirada Nashqada la filayo in dhawaan loo dhiso garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Daawo Sawirada Nashqada la filayo in dhawaan loo dhiso garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho dhawaan waxaa la wareegtay Shirkada Favori oo ah shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga kadib markii ay heshiis la gashay Xukuumada Soomaaliya.

Shirakada Favori ayaa balan qaaday dhawaan in garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusameyn doonto isbadal deg deg ah loona dhisi doono qaab casri ah oo la jaanqaadaya Garoomada aduunka gaar ahaan kuwa Turkiga kuyaal.

Shirkada garoonka Maamuleysa ee Favori ayaa soo bandhigtay nashqad casri ah ay dooneyso in dhawaan u dhisto garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho , waxa ayna shirkada balan qaaday in sanad gudaheeda garoonka ay casri ka dhigi doonto.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada