SAWIRO: Ninki dunida ugu buurnaa oo geeriyooday iyo gabar walaashiis ah oo ayaduna halis ku sugan

SAWIRO: Ninki dunida ugu buurnaa oo geeriyooday iyo gabar walaashiis ah oo ayaduna halis ku sugan

daajis.com:-Majid Dowsery oo ahaa ninki dunida ugu buurnaa una dhashay dalka Sacuudi Carabiya ayaa dhawaan geeriyooday isagoo da’diisu tahay 26 sano, balse miisaankiisu kor usii dhaafayay 600 oo KG.

Dowsery oo xanuunka buurnidu uu asiibay ayaa in muddo ahba ku rafaadsadanaa dalka Sacuudiga ayadoo loo waayay cid dabiibta ama arintiisa wax ka qabata xaalada oo adkeyd iyo qarashka ku baxaya oo aad u badnaa awgiis.

Si kastaba boqor ku xigeenka Sacuudiga ayaa la sheegay inuu jeebkiisa ka bixiyay dhamaan qarashka ku baxaya Majid daweyntiisa, waxaa loo duuliyay dalka Mareykanka oo lagu tuhmo in ay joogaan dhaqaatiirta cayilka la dagaalanta kuwooda ugu fir fircoon.

Dowsery ayaase ugu danbeyn dalka Mareykanka ku geeriyooday iyadoo lagu mashquulsan yahay howl galkiisa qaliin.

Waxaase xusid mudan in Majid uusan aheyn shaqsiga kaliya ee cidiisa ku jira ee cudurkaan buurnaantu uu asiibay, waxaase jirta gabar la dhalatay oo lagu magacaabo Rayan, taasoo haatan kor usii dhaafeysa 350 KG.

Waxaana la sheegaya in iyada xitaa daweynteeda lagu howlan yahay, balse ay is dhiibtay isla markaana nolosha ka rajo dhigtay, maadaama walaalkeed oo tusaale ay ka dhigan jirtay uu geeriyooday.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com






Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada