Akhriso sababtii ka dambeysay Weerarka Westgate iyo qaabkii lagu galay Gudaha (5Qodob)

Akhriso sababtii ka dambeysay Weerarka Westgate iyo qaabkii lagu galay Gudaha (5Qodob)

daajis.com:-Xog hoose oo ay soo gudbinayaa Warbaahinta kasoo baxda dalka Kenya, ayaa sheegeysa in Galitaanka Xarunta Ganacsiga Westgate Mall mid ay maleegeen isla markaana ay sahleen Ciiddamadda Ammaaanka Xarunta.

Xogta ayaa waxa ay Tilmaameysaa in Ciiddamadda ay qaaten Dhaqaale xoogan oo ay ku meel-mariyaan Noloshooda, iyagoona Sahlay Xiliyadda iyo Wakhtiga ugu haboon ee la qaadi karo Weerarka sida ay aaminsan yihiin Madaxda Dalkaasi.

Haddaba Tiro Qodobo ah ayaa suuragashay inaan ka helno Xogahaasi ay siyaabada kala duwan u baahinayaan Warbaahinta Kenya oo iyaguna laga mamnuucay inay daabacaan sababo la xiriira Culeysyada kaga imaanaya Wasaaradda Warfaafinta iyo Saraakiisha Ammaanka waxaana kamid ah Qodobadaasi:- 

1- Xiriir taxane ahaa oo Muddo Bil iyo bar dhex maraayay Ciiddamadda Ammaanka Xarunta iyo Kooxda Weerarka qaaday.

2- Xogta oo Tilmaameysa in Hubka laga soo qaaday W/Gashandhiga isla markaana uu iibsaday Wiil uu dhalay Maxamed Yuusuf Xaaji.

3- 9 ka tirsanaa Ragga Weerarka geystay oo ku dhawaad
Seddex maalin ku sugnaa Hooy aan sidaa uga fogeyn kuwaasi oo Xiliyada habeenkii gudaha u galinaayay Xarunta Hubka lagu qabsaday Xarunta, sida ay Xogtu sheegtay.

4- In Todobo Ganacsato Reer Kenya ah oo ku dhex ganacsado Xarunta ay qeyb ka ahaayeen Weerarka isla markaana Laba maalin ka hor iibshay Hantidoodii tiilay Xarunta, sida ay Dowladda Kenya Xogta ku heshay.

5-  Wasaaradad G/dhiga Kenya oo lagu wargaliyay dhaqdhaqaaqyada xiligaasi socday, hayeeshee muujisay Habacsanaan.

Haddaba Magaallada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya waxaa leysla dhex marayaa Xog farabadan oo midba Khilaafeysa mida kale, markii laga reebo Shanta Qodob ee aan daabacnay oo aan ka helnay Rag warbaahinta dalkaasi ka shaqeeya oo laga mamnuucay inay daabacaan sababo jira Awgeed.

Ugu dambeyntii, waxan ku guda jirnaa sidii aan idinkugu soo bandhigi laheynay Qodobada kale oo harsan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada