Daawo Sawirka Haweeney la sheegay in ay Hogaamineyso Howlgalka Westgate iyo Islaamiyiinta oo Su'aalo weydiinaya dadka ay heestaan

Daawo Sawirka Haweeney la sheegay in ay Hogaamineyso Howlgalka Westgate iyo Islaamiyiinta oo Su'aalo weydiinaya dadka ay heestaan

daajis.com:-Weerarka Argagaxiso ee lagu qaaday dhismaha Westgate Shopping Mall, ayaa ilaa iyo haatan gaystay dhimashada dad ka badan 68 iyo dhaawaca ku dhawaad 200.

Ciidamada Kenya ayaa ku guulaystay inay soo bad baadiyaan dadkii ugu badnaa saacadihii danbe ee xalay waxaana lasheegayaa in dad yar ay dhismaha ku jiraan

Wargayska Daily Mail ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa goordhow soo daabacay in howlgalka Shabaab ay ku qaadeen Westgate ay hogaaminayso Gabar kasoo jeeda Britain oo horey xaaskeeda loo dilay

Samantha Lewthwaite waa 29-jir hogaaminaysa Howlgalka Westgate ee Shabaab waxaana ay kasoo jeedaa Dalka Ingiriiska



Ciidamada Kenya ayaa laga soo xigtay in haweenay cadaan ah oo xiran Xijaab ay ku qeylinaysay ragga hubaysan iyadoo ku hadlaysa luuqada carabiga ah, waxaana ay uga digaysay inaan dadka loo ogolaan inay goobta ka baxaan

Kooxda Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkan oo dadka ku dhintay ay ku jiraan sedex ruux oo dalka Ingiriiska kasoo jeeda sida Daily Mail ay ku warantay.
Ninkan waxaa uu ku dhintay Weerarka Westgate

Ilaa iyo haatan waxaa la sheegayaa in 15 ruux kaliya ay ku jiraan dhismaha Westgate, oo 24kii saac ee lasoo dhaafay laga soo bad baadinayay dad isugu jira caruur, haween iyo rag.

Dadka lasoo bad baadiyay ayaa qaarkood waxaa ay sheegayaan in Kooxaha afduubayaasha ah ay dadka weydiinayaan inay akhriyaan qur’aanka Kariimka ama ay sheegaan hooyada Nabi Mohamed Csw hadii kale la dilayo ama la celinayo.

Kooxda Shabaab oo soo bandhigtay magacyada dadka weerarka qaaday ayaa sheegay inay ku jiraan labo ruux oo kasoo jeeda Magaalada London waxaana ay kala yihiin Liban Adam, 23, iyo Ahmed Nasir Shirdoon, 24.

Sidoo kale Shabaab waxaa ay sheegeen in mudo fara badan ay qorshaynayeen weerarkan, ayna jabiyeen dhamaan kaamirooyinkii qarsoonaa CCTV oo kuyaalay gudaha dhismaha.

Wargayska The Daily Mail ee London kasoo baxa ayaa soo xiganaya warbixin lasoo dhigay Twitter oo sheegaysa in kooxo argagaxiso ah ay leeyihiin, ‘Sherafiyah lewthwaite aka samantha waa gabar geesiyad ah, waan kusii faraxsanahay in hogaankeena ay qabato, !’ Sherafiyah waa gabar muslimad ah hadana magaceeda waa Lewthwaite”.

Warbixinta waa kale oo ay leedahay ‘mujaahidiinteena waxaa ay diyaariyeen inay udhintaan daraadeen”

Howlgalka ayaa waxaa kusoo biiray ciidamo gaar ah oo ka socda Irsael kuwaas oo doonaya inay soo gaba gabeeyaan Kooxdan ay hogaaminayso Lewthwaite oo ah gabar Muslimad 29 jir ah.

Gabadhan ayaa la sheegay in labo sano kahor lagu baacsday magaalada Mombasa hase ahaatee ay ufakatay dhanka bariga afrika

Gabadhan hogaaminaysa weerarkii Westgate ayaa haysa caruur da’yar, ruux la socday dhaq dhaqaaqeedana waxaa uu sheegayaa in marar badan uu ka shakiyay maadaama ay howlo ugu sameyn jirtay Al-qaacida

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in howlgalka Westgate ay xalay ku biireen xoogag ka socda dallaka Britain, Mareykanka iyo Israel kuwaa oo dhamaan iskugu tagay sidii kooxaha hubeesa ee westgate heesta goobta uga saari lahaayeen una soo afjari lahaayeen howl galka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada