Dadka oo Daaqadaha Westgate-Mall ka soo baxsanaya & sababta Milatariga Kenya uga cabsanayaan Shabaabka!!(Daawo+Warbixin)

Dadka oo Daaqadaha Westgate-Mall ka soo baxsanaya & sababta Milatariga Kenya uga cabsanayaan Shabaabka!!(Daawo+Warbixin)

daajis.com:-Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Neyroobi ayaa waxa ay sheegayaan in dadka halkaas ku go´doosan qaarkiis ay bilaabeen inay ka soo baxsadaan Daaqadaha yar yar ee suuliga ama Musqusha. 


Haweeney u dhalatay dalka Faransiiska gaar ahaan kuwooda midabka Madoow ayaa si nasiib ah waxaa looga soo bad baadiyay mid ka mid ah daaqadaha daarta ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Neyroobi. Ciidamada Milatariga dalka Kenya oo weli ku sii qul qulaya xaruntaan ayaa waxaa loo diiday inay mar quraah ku yaacaan maleeshiyaadka heesta goobtaas gaar ahaan dabaqa sare. 

Maleeshiyaadka Al Shabaab oo weli goobtaas ku heeysta dad fara badan oo qaarkood Ajaanib yihiin ayaa waxaa laga cabsanayaa inay ugu dambeeynta ama marka ay Rasaasta ka dhamaato is wada qarxiyaan sida looga bartay kooxaha wax qarxiya. 

Shacabka dalka Kenya oo ku yaacay Isbitaalada lagu daaweenayo dadka dhaawaca ah ayaa waxa ay dhiibayaan dhiig aad u fara badan . Dhimashada mashaqadaan ayaa gaartay in ka badan 68-qof wuxuuna dhaawaca sii caga cageenaya ku dhawaad 250. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada