Daawo Sawirada Ciyaar Xiiso badneed oo mar qura isku badashay in kuraas la isku garaaco

Daawo Sawirada Ciyaar Xiiso badneed oo mar qura isku badashay in kuraas la isku garaaco

daajis.com:-Boqolaal taageerayaal ah ayaa soo galay garoonka dhexdiisa kulankii xalay ee Istanbul derby ee u dhaxeeyay Galatasaray iyo Besiktas, taasoo keentay in ciyaarta la kansalo. 


Boliiska ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa si ay isagu dayaan inay taageerayaasha garoonka soo dhexgalay ay u kala celiyaan ka dib markii kaarka casaanka ah la siiyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Galatsaray Felipo Melo.

Didier Drogba ayaa dhaliyay labo gool iyadoo Galatsaray ay ciyaarta ku hogaamineysay 2-1 ilaa daqiiqadii 3aad ee waqtiga dheeriga ah, markaasoo ciyaarta la kansalay markii taageerayaal careysan ay garoonka soo dhex galeen iyadoo ciyaartoyda loola cararay qolalka labiska si amaankooda loo sugo. 

Ciyaarta ayaana noqotay mid kacsan ka dib markii Felipo Mello qalad xun uu galay lagu siiyay kaar casaan toos ah, waxaana lagu soo tuuray dhalo biyo ay ku jiraan intii uu garoonka ka baxayay.

Taageerayaasha ayaa ka dib ku soo duulay garoonka taasoo keentay in ciyaartoyda iyo garsoorayaasha ay orod uga baxaan garoonka. Xiriirka kubada cagta Turkiga ayaa ka fariisan doona arintaan iyadoo go’aansan doona natiijada kama danbeysta ah, waxaana ay u badan tahay in natiijo 3-0 la siin doono Galatasaray. 

Taageerayaasha Beskitas ayaa lagu tilmaamay kuwa siyaasadeysan, waxaana ay qeyb ka ahaayeen mudaaharaadyadii dhawaan looga soo horjeeday dowlada Turkiga.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada