Nairobi: Rasaas Wali laga Maqlayo Westgate

Nairobi: Rasaas Wali laga Maqlayo Westgate

daajis.com:-Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee dalkaasi ay wadaan sidii ay u qaban lahaayeen dabley dishay dad gaaraya 59 qof, isla markaana dhaawacay 179 kale. Weerarka ayaa ka dhacay suuq laga adeegto oo ku yaalla magaalada Nairobi.


Saraakiisha ayaa sheegay in uu wali socdo howlgalka lagu qabanayo dableyda, isla markaana lagu badbaadinayo tiro aan la ogeyn  oo dad ah, kuwaas oo wali lagu haysto Westgate Mall oo ah halka weerarku uu ka dhacay maalintii shalay ahayd.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo weerarka ka dib dadka reer Kenya telefishnka kala hadlay, ayaa sheegay in dhibanayaasha loo cadaalad fali doono.

Dhiniciisa, Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in dad ka badan kun qof laga soo daad gureeyey goobtii weerarku ka dhacay, isaga oo xaaladda ku sheegay mid “nugul.”

Waxa xoghayuhu sheegay in ay jiraan 10 ilaa 15 ka mid ah kooxdii weerarka soo qaadday, isaga oo sheegay in kooxdaasi ay sharciga hor iman doonaan.

Kooxda argagixisada ah ee Alshabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, iyaga oo sheegay inay ka aargoosanayaan ciidanka Kenya, galidii ay galeen dalka Somalia.

Afhayeenka ururka ayaa fariin maqal ah ku sheegay, isaga oo leh “Ama waddankaad nooga baxaysiin ama weerar joogto ah ayaad ku noolaaneysiin.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada