Maleeshiyaadka Al Shabaab oo maalintii 3-aad dhafar ah & dad soo baxsaday oo mucjisooyin cusub soo sheegay.

Maleeshiyaadka Al Shabaab oo maalintii 3-aad dhafar ah & dad soo baxsaday oo mucjisooyin cusub soo sheegay.

daajis.com:-Waxaa maalintii sadexaad dhafar ah oo aanan weli seexan maleeshiyaadka ururka Al Shabaab ee qabsaday xarunta ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nayroobi. Dadkii ugu dambeeyay ee ka soo baxsaday gacanta kooxahaan hubeeysan ayaa gudaha xaruntaan waxa ay ka soo sheegayaan mucjisooyin badan.


Dadka oo qaarkood ka soo baxay daaqadaha dambe ee daarta Westgate Mall ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyaadka Al Shabaab habeenkii xalay ahaa mar la damcay in la miro ama daalka lagu gaado balse weli ay yihiin rag laga yaaban yahay oo keeb la yuurar ah.

Ciidamada Milatariga iyo kuwa booliiska dalka Kenya ayaa guud ahaan waxaa lagu soo badalayay ciidamo kale oo cusub oo sii wada howlgalka balse dhanka maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay dhafar yihiin oo ay sidooda weli u soo jeedaan.

Qaar ka mid ah Saxaafada dalka Kenya ayaa sheegtay in maleeshiyaad-kaan aysan macquul eheen inay soo jeedaan waqti sidaas u fara badan balse ay yihiin kuwo marqaansan oo Qaad watay ama cunaya. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada