War Deg Deg ah:Ruushka oo laga diiday inuu ku buufiyo Gaas-ka wax suuxiya maleeshiyaadka Al Shabaab ee weli laga saari la´yahay..

War Deg Deg ah:Ruushka oo laga diiday inuu ku buufiyo Gaas-ka wax suuxiya maleeshiyaadka Al Shabaab ee weli laga saari la´yahay..

daajis.com:-Quwadaha caalamka ugu qatarsan ee la dagaalama qaraxyada iyo Argagixasada ayaa iskugu yimid magaalada Neyroobi gaar ahaan xarunta ganacsiga ee Westgate Mall oo maalintii sadexaad ay heestaan maleeshiyaad ka tirsan ururka Al Shabaab.

Dalka Ruushka oo aad ugu dheereeya sida loo suuxiyo ama Sunta gaaska ah loogu buufiyo maleeshiyaadka hubeeysan ee aalaaba dadka afduuba ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ka qeeyb qaateen howlgalkaan balse laga diiday inay Gaaska wax maandooriya ku buufiyaan maleeshiyaadka Al Shabaab maadama dad badan oo rayid ah weli ay gacanta Shabaab ku jiraan.

Ruushka oo dhoor jeer dad looga afduubay dalal kala duwan gaar ahaan dagaaladii uu ku qaaday Jamhuuriyada Jeejniya ayaa inta badan waxa uu dadkiisa ku soo furtaa Sunta Gaaska ah oo qofkii meel dheer looga soo buufiyo uu horay ka suuxayo kaas oo ay ku adkaaneyso inuu haba yaraatee wax rasaas ah rido ama is qarxiyo.

Howlgalka ka socda magaalada Neyroobi waxaa horboodaya ciidamo reer galbeed ah iyo kuwo kale oo ka soo jeeda dalka Israel waxaana weli loo gali la yahay maleeshiyaadka Al Shabaab kuwoodii goobtaas weeraray galabtii sabtida eheed.

NAGA FILO GOOR DHAW WARARKII KU SOO KORDHA TOOGASHADA KA SOCOTA MAGAALADA NAYROOBI .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada