Daawo Soomaalida USA oo isku dagaashay soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya

Daawo Soomaalida USA oo isku dagaashay soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya

daajis.com:-Sida ay baahiyeen qaar kamid ah Taleefashinada laga leeyahay dalka Maraykanka iska hor’imaad kala ujeedo ah kuwaasi oo ay kala hogaaminayeen Somaalida qaarna madaxweynaha soo dhaweynayey halka qaar kalana ay madaxweynaha kasoo horjeedeen kuna diidanaayeen siyaasadiisa dalka uu ku hogaaminayo.

Sida aad ka daawan doontaan muuqaalka 10TV uu kasoo gudbiyey Soomaalidaasi waxaa ay qaarkood ku hadlayaan erayo ka dhan ah Xasan Shiikh kuwaasi oo ay ka muuqato caro badan.

Labadaan kooxood ee kala ujeedada ah ayaa ku sigtay in ay isku dhacaan kadib markii ay is maageen isla markaana hadalo kulul is dhaafsadeen ayadoo qolo kastaaba qumanaheedu qoorta ugu jiro, difaaceysana qadiyada ay meesha u yimaadeen.

Waxaana goobta soo gaaray ciidamo loogu talagalay in lagu sugo
ammaanka Madaxweynaha meesha uu degan yahay iyo xitaa in dadkan iska soo horjeeda laftooda la kala badbaadiyo loogana hortago khasaaro ka dhaca isku dhacooda.

Safarkan Madaxweyne Xasan Shiikh uu ku tagay Belguim iyo USA ayaa waxaa uu kala kulmay dibadbaxyo lagu diidan yahay hogaankiisa, iyaddoo dhinaca kalana loo sameynayey xaflado uu la qaadanayey kuwa taageersan hogaankiisa.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada