Dadka reer Hiiraan oo dooranaaya Gudoomiye cusub

Dadka reer Hiiraan oo dooranaaya Gudoomiye cusub

daajis.com:-Kadib markii uu waqtigiisu dhamaaday Gudoomiyaha weli xilka Gobolka Hiiraan haaya ee Cabdi Faarax Laqanyo, ayaa waxaa lagu wadaa in dadka reer Hiiraan, ay soo doortaan Gudoomiye cusub.

Wefdi ka socda Wasaarada Arrimaha Gudaha, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Deegaanka ah, ayaa waxay maanta soo gaareen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.


Cali Abtidoon Xalane, Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, ayaa horkacaayay xubnaha maanta soo gaaray Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Dhinacyadaan oo kulamo la yeelanaaya dadka Deegaanka, ayaa waxay soo dooran doonaan Gole Deegaanka ah. inta ay maalmahaan booqashada ku jooggaan Magaalada Baladweyne.

Golaha cusub ee Deegaanka, ayaa soo dooran doona Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan. Wuxuuna Gudoomiyaha uu ansax ku noqon doonaa, hadba inta cod ee uu ka helo Golahaasi Deegaanka.

Si sax ah looma garanaayo mudada rasmiga ah ee la soo dooran doono Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan. Laakiin waxaa la hadalhaaya in maalmaha ina soo aadan la soo dooran doono.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada