Soomaalida Haysta Baasaboorada Ajnabiga oo ku Xaniban Dalka Kenya iyo Booliska oo Aruuris ku Haya!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Soomaalida Haysta Baasaboorada Ajnabiga oo ku Xaniban Dalka Kenya iyo Booliska oo Aruuris ku Haya!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Booliiska dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inay xabsiga dhigeen nin Somal-British ah xilli uu damacsanaa inu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta Airport ee dalkaas Kenya ka dib markii looga shakiyey inuu ku lug lahaa weerarkii ku lagu qaaday xarunta Westgate Mall ee magaalada Nairobi. 


Ninkaan Soomaaliga oo aan magaciisa la sjhaaciin laakiinse lagu sheegay inuu yahay 31 sano jir ayaa waxay booliiska ay ka qabteen garoonka diyaaradha ee Jomo Kenyatta Airport asagoo ku sii jeeday magaalada London ee dalkaas Ingiriiska, Ninkaan Soomaaliga ah oo 2 sano ka hor qaatey dhalashada dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa uu sheegay inuu mudo ku noolaa oo uu joogay dalka Soomaaliya, ninkaan oo uu wajigiisa ku yaalay dhaawac aan la aqoon halka uu ka soo gaarey laakiinse uu asaga ku sheegay inuu ka soo gaarey dagaal uu ku galay dalka Soomaaliya ayaa booliisku waxay wadaan baaritaan la xiriira arintiisa, Sidoo kale ayaa sida uu sheegay Mike Njenga oo goob joog ahaa markii ay booliisku qabanayeen ninkaas Soomaaliga ah waxaa uu sheegay inuu ninkaas markii la qabtey uu silamarkiiba Laptop uu watey uu furey ka dibna uu halkaas ku xirey ama ku qufulay macluumaad aan la aqgeyn waxa uu ahaa ka dibna uu Laptopkiisii xirey mar kale. 

Ugu dambeyntiina iyadoo aysan wali kala cadeyn in ninkaan Somali -Britishka ah uu wax ka og yahay waxa lagu tuhun san yahay oo ahaa inuu xiriir la leeyahay maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ayaa sidoo kale waxay wararku sheegayaa inuusan ninkaas si wanaagsan ugu hadlin luqada afka Ingiriiska taas oo keentay in loogu yeero turjumaan, Ilaa iyo markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate ayaa booliiska dlka Kenya waxay ka qabteen Soomaali badan gudaha dalkaas iyo garoonka diyaaradaha iyadoona qaar ka mid ah Soomaalidaas la sii daayey halka ay qaar badan oo kalena ay wali ku jjiraan xabsiyada dalkaas oo ay biooliiskuna ay su'aalo weydiinayaan. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada