Fadeexada iyo Ceeb Wayn oo Soo waajahday Nidaamka Baritikoorka Madaxweynaha Soomaaliya!! (Daawo Muuqaal+Warbixin)

Fadeexada iyo Ceeb Wayn oo Soo waajahday Nidaamka Baritikoorka Madaxweynaha Soomaaliya!! (Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Ilaa iyo hadda waxaa muuqata in Nidaamka Baritikoorka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ay ka muuqda qalalaad aad u weyn marka uu Madaxweynuhu la kulmayo madaxda caalamka iyo wufuuda kale . 


Xubnaha Madaxweynaha la socda ayaa waxay cariiri ku haayan Marka aad Daawato Muuqaalkaan Wasiirada Arrimaha dibadda oo munaasabka koowaad leh in ay Madaxwaynaha la socoto,Waxaa kaloo intaas sii dheer qiyaas la’aanta wafdiga Madaxweynaha oo mararka qaar isku maqiiqayan xubnahas salaanta madaxda kale. 

Maalintii Daraad ayaa Madaxweynaha Soomaaliya mar uu la kulmayay Herman VAN ROMPUY, President of the European Council waxaa laga fahamayay cod camerada duubtay in Madaxweynuhu qaati ka taagan yahay xubnaha tirada badan ee daba ordaya isagoo adeegsaday luuqada Soomaalida waxaa uu yiri aan is kala yareyno oo micnaheedu yahay qaarkeen dibada ha ku haraan ama goobta ha banaayan. Waxaa Camerada la duubay laga maqlayay Madaxweynaha oo dhahaya Fowziyo soo gudub Yacni waxaa uu la yaaban yahay hab dhaqanka xubnaha wafdigiisa. 

Markii Madaxweynaha soo galay xarunta Midowga Yurub oo uu salamayayay Herman VAN ROMPUY, President of the European Council waxaa la arkayay Wasiirada Arrimaha dibadda oo gadaal ka sii jirta xubnaha tirada badan ee Madaxweynaha dabada socday .. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada