Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay Shirka Qaramada Midoobey Ee New York.

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay Shirka Qaramada Midoobey Ee New York.

daajis.com:-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamud oo khudbadiisii ugu horeysay tan iyo intii Madaxweynaha ka noqday Somalia ka jeediyay shirka loo dhanyahay ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socday Magaalada New York ayaa ka codsay xubnaha Qaramada Midoobay inay garab istaagaan guusha siyaasadeed iyo midda nabadeed ee ka soo muuqata Somalia.


Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa si gaar ah uga codsaday Qaramada Midoobay inay gacan ku siiyaan dowladiisa sidii ay uga adkaan laheyd kooxda Al-shabab oo uu ku tilmaamay mid halis ku ah amaanka gobolka Geeska Africa oo dhan.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay in xaaladda Somalia ay ka fogtahay mid lagu tilmaami karo in dhibaatadii ay ka baxday ilaa iyo inta buu yiri ay Somalia ku suganyihiin Al-shabab oo xiriir la leh Alqacida, siina wada inay dhibaato ka geysato Somalia iyo gobolkaba.

Madaxweynaha ayaa si weyn u dhaleeceeyay Weerarkii dhawaan Koox hubeysan ay ku qaadeen dhawaan Dhismaha Ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi.
Waxaana khudbadiisa ka mid ahaa Madaxweynaha.

Weerarkii lagu qaaday xarunta Westgate, waxa uu dunidu u muujiyay arimo muhim ah, dagaalka lagula jiro Alqacida iyo kooxaha ka farcamay sida Al-shabab oo kale  ee geeska africa waa mid weli dhamaad ka fog. Ma dhamaan, Al-shabab waxey anagu nagu tahay halis Qaran, laakiin cawaaqibka ficiladeeda waa mid saameyn xun ku leh gobolka oo dhan iyo dunida oo dhan, ma aha mid Somalia kaliya dhibaato ku heysa”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada