Warbaahinta caalamka oo ka been sheegtay haweeney u dhalatey dalka Kenya oo muujisay caawinaad!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Warbaahinta caalamka oo ka been sheegtay haweeney u dhalatey dalka Kenya oo muujisay caawinaad!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Warbaahinta caalamka ayaa waxaa la sheegay inay ka been sheegtay haweeney u dhalatey dalkaas Kenya oo muujisay dadaal iyo caawinaad dheeraad ka dib markii haweeneydaas lagu tilmaamay inay ahayd haweeneydii hogaaminaysay maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee weerarka ka geystay xarunta ganacsiga ee Westgate. 



Haweeneydaan oo lagu magacaabo Hanna una dhalatey dalkaas Kenya ayaa waxay warbaahintya caalamka ay ku tilmaameen inay tahay haweeneyda u dhalatey dalkaas Ingiriiska ee lagu magacaabo Samantha Lewthwaite ama White Widow taas oo ah haweeney lagu sheegay inay ka mid ahayd maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee weerarka ka geystay xarunta Westgate, Haweeneydaan Kenyaatiga ah oo iyada iyo caruurteda ay ku sugnaayeen goobtaas markii uu weerarku dhacaayey ayaa waxay halkaas ay ku caawisay haweeney dhaawac ahayd, Laakiin warbaahinta caalamka ayaa waxay ku tilmaameen inay tahay haweeneydaasi Samantha Lewthwaite oo si xeeladeysan kaga baxsatey goobtaas iyadoo iska dhigeysay inay caawineyso dadkii ay waxyeelada ka soo gaartey goobtaas, Haweenydaan laga been sheegay oo warbaahinta la ahadashay ayaa sheegtay inaysan wax shaqo ah aysan ku lahayn qofka lagu tilmaamay. 

Ugu dambeyntiina iyadoo haweeneydas lagu magacaabo Hanna ee lagu tilmaamay inay ka mid ahayd maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee weerarka ka geystay xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi ay ku tilmaamntay wax laga xumaado in lagu sheego qof aysan ahayn xilli ay caawinaysay dadkii ku waxyeeloobay dhibaatadii ka dhacday goobtaas ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay gudatey waajibkeedii ku aadanaa waxa laga filaayey inay sameyso markii ay aragtey haweeneydaas dhaawaca ahayd laakiin aysan wanaagsanayn in lagu sheego wax aysan ahayn. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada