Al-Shabaab oo Weeraro Culus la damacsan Gudaha Ingiriiska iyo Xog ku aadan halka ay Isha ku hayaan oo lasoo bandhigay

Al-Shabaab oo Weeraro Culus la damacsan Gudaha Ingiriiska iyo Xog ku aadan halka ay Isha ku hayaan oo lasoo bandhigay

daajis.com:-Qaar kamid ah Warbaahinta Dalka Ingiriiska ayaa baahiyay xog ku aadan Weeraro ay damacsan yihiin Kooxda Al-Shabaab ee Xariirka la leh Al-Qaacida in ay ka geestaan gudaha Dalka Ingiriiska.

Wargeyska Daily express ee ka soo baxa dalka Ingiriis ayaa baahiyay xog tilmaameysa in xarakada Alshabaab ay damacsantahay weeraro ay ku qaado gooba muhiima oo ku yaala gudaha dalka Ingiriiska.

Wargeyska warkan qoray ayaa xusay in Kooxda Al-Shabaab weerarada ay damacsan yihiin in gudaha Ingiriiska ka geestaan ay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan Hoteelo iyo iskuulo caan ah oo kuyaala Gudaha Ingiriiska.

Goobaha uu xusay Wargeysa ee diirada Weerarka Al-Shabaab saaran ayaa waxaa kamid ah Hoteelka Reytaz oo ku yaalla bartamaha magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska kana mid ah Hoteelada ugu weyn uguna caansan dalkaasi.

Bartilmaameedka Al-Shabaab waxaa kale oo kamid ah sida uu baahiyay Wargeyska Daily express Iskuulka lagu magacaabo Ayton oo ay wax ka soo barteen R/Wasaaraha Ingiriiska David Kaamaruun iyo Amiirada Wilyam iyo haari 

Wargeyska ayaa ku waramay in dukumiintiyo laga helay jeebka hogaamiye sare oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo lagu dilay gudaha Soomaaliya ay ku xaqiiqsadeen hiigsigaan cusub ee qarbudaada kusaleysan ee Al-Shabaab la damacsan yihiin Gudaha Dalka Ingiriiska.

.Al-Shabaab ayaa dhawaan sheegatay Masuuliyada Weerar qorsheesan oo qasaaro badan dhaliyay oo lagu qaaday Xarun Ganacsi oo lagu Magacaabo Westgate Mall oo kutaal Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya halkaa oo lagu dilay dad kaadan 70-qof tiro 200-kabadana ay ku dhaawacmeen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada