Hiba Nuura oo xalay wacdaro ka dhigtay Xaflad lagu soo dhaweenayay oo Muqdisho lagu qabtay(Daawo Sawirada)

Hiba Nuura oo xalay wacdaro ka dhigtay Xaflad lagu soo dhaweenayay oo Muqdisho lagu qabtay(Daawo Sawirada)

daajis.com:-Duqa Magaalada Muqdisho ,wasiiro .Xildhibaano Muqdisho,,Abwaaniin,fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeybgalay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayey fanaanada Hibo Maxamed Cudoon (Hibo Nuura) taasi oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo lagu qabtay Hotelka City Palace degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qabanqaabiyey maamulka gobolka Banaadir ayadoo Munaasabaddana ay fanaanada Hibo Nuura kusoo bandhigtay suugaan wadani ah oo isugu jiray heeso ay horey ugu luqeysay iyo kuwo cusub oo ay hada ugu talagashay iney ku muujiso isbedellada nabadda iyo hormarka ah ee ka jira Caasimadda, sidoo kalena waxaa munaasabadda suugaan kusoo bandhigay abwaaniin iyo fanaaniin ka tirsan hobollada Qaranka ee Waaberi.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/shakuur Cali Mire oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in magaalada Muqdisho oo lagu qabto munaasabad ceynkan ah xili habeen saq dhexe ah ay ka turjumeyso nabadda ka jirta Caasimadda dalka ee Muqdisho waxaana uu intaa ku daray in nabaddan aysan si fudud ku imaan oo dhiig loo huray balse dadka reer Muqdisho laga doonayo iney ilaaliyaan xornimadaas.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isagana dhankiisa khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir uu diyaar u yahay inuu ku dhiirageliyo fanaaniinta dalkooda hooyo dib ugu soo laabaneysa si ay umadda uu wacyi geliyaan waxaana uu madasha ka sheegay fanaaniin dhowaan magaalada Muqdisho kusoo wajahan oo uu ka midyahay boqorka Codka Maxamed Suleymaan Tubeec iyo sidoo kale fanaanka Qoomaal oo isaguna maalinta berrito ah Muqdisho kusoo wajahan.

Munaasabadda ayaa kusoo gebageboowday jawi aad u wanaagsan balse horey ayaa magaalada Muqdisho waxaa Munaasabad soo dhaweyn ah ugu sameeyey fanaanada Hibo Nuura Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com














Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada