Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Kenya oo Baarlamaanka Looga yeeray iyo xog Muhim ah oo la helay

Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Kenya oo Baarlamaanka Looga yeeray iyo xog Muhim ah oo la helay

daajis.com:-aliyaha ugu sareeya Ciidamada Sirdoonka Kenya ayaa wajihi doona su’aalo ay weydiinayaan Baarlamaanka dalkaasi kuwaasi oo la xiriira Weeraradii dhawaan ka dhacay Magaalada Nairobi gaar ahaan Suuq Ganacsi oo lagu Magacaabo Westgate Mall.

Sarkaalkaani ugu sareeya Ciidanka Sirdoonka Kenya waxa ay Baarlamaanka Kenya su’aalo ka weydiinayaan sida aaney ula socon sirdoonku abaabulka iyo qorsheynta weerarkaasi ay u dajiyeen Al Shabaab.

Xog hoose oo la helay ayaa tilmaameysa ka hor inta aanu Al Shabaab weerarkaasi geysan ay Dukaan ka kireysteen Suuqaasi kaasi oo ay ku keydsadeen Hub iyo saanad badan una  sahlay weerarkoodi Westgate Mall.

Khubarada Baareysa Xarunta Westgate ayaa helay raadadka meelo ka tirsan Suuqa oo Al Shabaabku ay hubkooda ku keydsan Jireen
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada