Ruushka oo ka Digay Weerar ka Dhan ah Syria

Ruushka oo ka Digay Weerar ka Dhan ah Syria

daajis.com:-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in meesha aanu ka saareyn inuu taageero awood milatari oo ay Qaramada midoobay isku raacdo oo ka dhan ah Syria, hadii la soo caddeeyo in xoogagga dowladdu ay dad rayid ah u adeegsadeen hubka kiimikada ah.
 
Putin ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee AP iyo television laga leeyahay dalka Ruush in Mareykanku ay tahay inuu Qaramada Midoobay horkeeno caddeymo lagu qanci karo, waxa uuna Mareykanka uga digay inuu qaado talaabo milateri oo aan ogolaansho ka heysan Qarama Midoobay.
 
Mr. Putin ayaa sidoo kale sheegay inuu joojiyey qalabka S-300 ee difaaca gantaalaha  ee uu siin lahaa wadanka Syria, laakiise uu go’aankaa dib uga fiirsan doono hadii la qaado talaabooyin xad gudub ku ah xeerarka caalamiga ah
 
Ruushka ayaa dabayaaqada todobaakan martigellin doona shirka wadamada ku bahoobay G20 ee ka dhacaya magaalada St Petersburg, halkaasoo la filayo in qodobada ugu waa weyn ee looga hadli doono ay ugu horeeyaan arrimaha Syria.
 
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa in dhaweydba taageero gudaha iyo dibadda ahba u raadinayey weerar ka dhan ah wadanka Syria. Obama ayaa booqanaya magaalada Stockholm ee dalka Sweden ka hor inta aanu u duulin wadanka Ruushka oo uu uga qeyb galayo shirka G20.
 
Dhinaca kale guddi muhiim ah oo ka tirsan Golaha Senate-ka Mareykanka ayaa laga yaabaa inay Arbacadan maanta ah u codeeyaan go’aan ogolaanaya in talaabo milateri uu Mareykanku qaado. Hogaamiyayaasha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Senate-ka, ayaa Talaadadii shalay aheyd isku raacay qeybo muhiim ah oo ka mid ah qorshe Madaxweyne Obama u ogolaanaya inuu amro weeraro xaddidan oo ka dhan ah  saldhigyada milateriga Syria muddo lixdan maalmood ah. Waxa uuna madaxweynuhu hadii uu u baahdo ku kororsan karaa 30 maalmood oo dheeri ah. Go’aankani ma fasaxayo in weerarka loo adeegsado ciidamada dhulka ee Mareykanka.'
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada