SUBXAANA LAAH:Daawo Sawirada: Masjid Madax Doofaar Oslo-La Soo Dhigay Iyo Muslimiinta Norway Oo Falkan Foosha-Xun Ka Carootay Iyo…..

SUBXAANA LAAH:Daawo Sawirada: Masjid Madax Doofaar Oslo-La Soo Dhigay Iyo Muslimiinta Norway Oo Falkan Foosha-Xun Ka Carootay Iyo…..

daajis.com:-Masjid Madax Doofaar Oslo-la soo dhigay iyo Muslimiinta Norway oo falkan foosha-xun ka carootay iyo Masjid ku yaal Degmadda Fredrikistad oo fal foolxumo badan loo geystay Masjidka caanka ah ee bartamaha Gronland ku yaal ee badanaa Soomaalidda Oslo ku dukato ayaa caawa la soo dhigay Madax-Doofaar oo dhiigaya,xili salaadda cishaha la dukanayey.

Masjidkan oo  lagu magacaabo Jamacat-Ehlussanan ayaaa hoostiisa waxaaa ku yaalo  Dukaamo ay Soomaali ku ganacsadaan,waxaana Masjidkan iska leh Pakistaaniyiin,inkastoo ay xubno-yar ay ka yihiin Soomaalidda Oslo.

Teleefishinka TV-2 Norway oo soo gaaray Masjidkan hortiisa la soo dhigay Madax-Doofaar ayaa wareysi la yeeshay Maxamed-Bari iyo Bashiir Daahir Biixi oo ka xumaaday in Madax-Doofaar oo dhiig ka dadaanaya lagu soo tuuro albaabka hore ee Masjidka.

Falkan ay ka arga-gaxeen Muslimiinta Norway ayaa ku soo aaday xili isla caawa Masjid ku yaal Degmadda Fredrikistad oo xadka Norway iyo Sweden ku yaal,oogadda Masjidka laga soo laa-laadiyay maro xayeeysiin ah oo dushiisa ay ku sawiran-tahay Rootiga dhexdiisa la geliyo hilibka Doofaarka la geliyo ee afka Noorwijiyaanka lagu magacaabo (Polse)waxaana maradan xayeeysiiska laga soo xaday xarun shiidaalka lagu iibiyo oo Stat-Oil lagu magacaabo.

Booliiska Norway ayaa caawa baaraya falkan foosha xun ee 2-da Masjid ka dhacay,waxaana la filayaa baaritaankan inay qaadato muddo,iyadoo aan ilaa iyo hadda aan loo qabin dadkii ka mas*uulka ahaa falkan foosha xun.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada