Wararkii Ugu Dambeeyay Dhaq dhaqaaqa Siyaasadeed ee Baydhabo ay buux dhaafiyeen Masuuliyiinta Dowlada ugu jira Digil iyo Mirifle

Wararkii Ugu Dambeeyay Dhaq dhaqaaqa Siyaasadeed ee Baydhabo ay buux dhaafiyeen Masuuliyiinta Dowlada ugu jira Digil iyo Mirifle

daajis.com:-Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa saakay ah mid jawi siyaasadeed oo sidii hore ka badalan laga dareemayo, waxaana maalintii shalay Magaaladaasi gaaray in kabadan 50-Xildhibaan uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo dhamaan kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.


Baydhabo waxaa saaka kasoconaya Kulamo xasaasi ah ay yeelanayaan Masuuliyiintii shalay tagtay Magaaladaasi ,Odayaasha dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle , Siyaasiyiin iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada, kulamadan ayaa ah kuwa diirada lagu saarayo sidii deegaanada ay Beelahaasi dagaan loogu sameyn lahaa Maamul Goboleed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari ayaa hormuud u ah kulamadan saakay kasoconaya Magaalada Baydhabo ee diirada lagu saarayo sida Gobolada Baay , Bakool iyo Sh/Hoose loogu dhisi lahaa Maamul goboleed sidoo kale looga soo horjeesan lahaa Maamulka Jubba uu Sheekh Axmed Madoobe Hogaamiyo Dowladana dhawaan aqoonsatay.

Magaalada Baydhabo saaka waxaa kusugan inta badan Masuuliyiinta Dowlada ugu jira Beelaha Digil iyo Mirifle sida Gudoomiyaha Baarlamaanka , Wasiir kuxigeeno iyo Xildhibaano kabadan 50-Xildhibaan , Xubnaha aan wali gaarin Baydhabo kana soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle waxaa kamid ah Wasiirka Gaashaandhiga Soomalaiya oo safar ku wehliya Madaxweynaha Soomaaliya oo hada kusugan Dalka Talyaaniga.


Odayaasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa maalin kahor ku amray Xubnaha Dowlada ugu jira in labo maalin Gudahood Baydhabo kuyimaadaan , waxaana amarkaasi durba qaatay inta badan Xubnaha Beelaha digil iyo Mirife Dowlada ugu jira uu Hogaamiyo Prof Jwaarai kuwaa oo shalay diyaarad qaas ah Muqdisho ka qaatay kana dagay Baydhabo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada