Saraakiil badan oo katirsan AMISOM oo shaqadii laga joojiyay iyo faah faahin kasoo baxeysa Dambiyada loo heesto

Saraakiil badan oo katirsan AMISOM oo shaqadii laga joojiyay iyo faah faahin kasoo baxeysa Dambiyada loo heesto

daajis.com:-20-Sargaal oo katirsan Ciidamada AMISOM kana soo jeeda Dalka Uganda ayaa shaqadii ay hayeen laga joojiyay kadib markii lagu helayay dambiyo la xariira in ay musuq maasuqeen Cunooyinka iyo Shidaalka loogu tala galay Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howl gala.

Jariirada The Daily Monitor ee ka soo baxda dalka Ugandha ayaa soo daabacday In 20-ka Sargaal ee u dhashay Ciidamada Uganda qeybtana ka ahaa Ciidamada AMISOM loo heesto xatooyada alaabo ay Suuq madow ku iibsadeen ayna wajihi doonaan xukun adag hadii dambiga loo heesto lagu helo.

Xubnaha dacwada loo haysto ayaa waxa ka mid ah Taliyaha ciidamada Ugandha Mechel Ondonga oo la filayay in laga dhigo safiirka Uganda u fadhinaya Kenya iyo saraakiil kale oo sar sare oo katirsan Ciidamada Uganda kuwaa oo hada ah kuwa aan shaqeeneyn oo laga joojiyay howlihii ay ciidanka ka dhax wadeen.

Afhayeen u hadlay ciidamada Militariga dalka Uganda Cornel Bady Akunda ayaa xaqiijiyay jiritaanka dacwadaha loo heesto saraakiishan iyo in shaqada laga joojiyay waxa uuna xusay in ay jiraan Saraakiil hoose aan wax mushaar ah mudo lasiin hadana raashinkii iyo shidaalkii loogu tala galay laga sii iibsaday.


Dhanka kale Afhayeenka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Corrnel Cali Adan Xumud oo ka hadlay arintaan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay musuqaan ay ku kaceen Saraakiishan AMISOM katirsanaa waxa uuna dalbaday in baaritaano dheeraad ah arintan lagu sameeyo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada