Xog ku aadan Magacyada iyo waxa ay ahaayeen labadii nin ee Hogaaminayay Weerarkii Westgate Mall oo lasoo bandhigay

Xog ku aadan Magacyada iyo waxa ay ahaayeen labadii nin ee Hogaaminayay Weerarkii Westgate Mall oo lasoo bandhigay

daajis.com:-Telefishinka Caalamiga Chanell-4 ee laga leeyahay Dalka Ingiriiska ayaa baahiyay xog ku aadan ragii Hogaaminayay weerarkii Qasaaraha badnaa ee lagu qaaday xarunta Ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi.

Tv-ga ayaa sheegay in weerarkaasi ay hormuud u ahaayeen labo Nin oo Kenyan iyo Soomaali kala ah kuwaa oo la sheegay in ay ahaayeen maskaxdii ka dambeesay weerarkii Al-Shabaab ku galeen Xarunta Westgate kuna dileen dad aad u tiro badan.

Warbixinta uu soo bandhigay TV-ga Chanell-4 ayaa lagu sheegay in Weerarkii Westgate Mall uu hogaaminayay Nin Kenyan ah horeyn uga tirsanaa ciidamada milatariga kenya heestayna diinta karishtaanka balse markii dambe qaatay Diinta Islaamka.

Ninkan Kenyanka ah ayaa Shabaab markii uu ku biiray waxaa Shabaab Dhaxdiisa looga bixiyay Magaca Cumar waxa uuna kamid noqday shabaabkii kusugnaa saldhig weyn oo ku yaaay Deegaanka Raaskanbooni ee Gobolka Jubada Hoose.

Tv-ga Warbixinta uu baahiyay ayuu ku sheegay in Ninkan Kenyanka ah ee lagu Magcaaabo Cumar uu ahaa ninka 1-aad ee Hogaanka u hayay Weerarkii Westgate isla goobtaasina ku dhintay , waxaana Warbixinta Tv-ga lagu sheegay in Ninkan uu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2005-tii .

Qofka labaad ee Hogaaminayay Weerarkii Westgate Mall ayaa lagu sheegay in uu ahaa nin magaciisa lagu sheegay Khadhab oo ay warbixintu ku sheegtay in uu ahaa Soomaali ka shaqeyn jirey Makatbad Islaami ah oo ku taalay magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Eastleigh, ninkaasi waa la qabtey waxaana lagu xiray Soomaaliya, waxaa jira warar eedeymo ah oo sheegaya in ninkaasi ay jirdil kula kaceen sirdoonka Mareykanka ee CIA-da intii uu xabsiga ku jiray, laakiin markii la siidaayey wuxuu u gudbey dhulka ay ka taliyaan xarakada Alshabaab.

Tv-ga Chanell-4 oo Warbixintan soo bandhigay ayaa sheegay in labadan Nin ay ahaayeen shaqsiyaadkii hogaaminayay Weerarkii Al-Shabaab ku galeen Westgate Mall Sabtidii lasoo dhaafay halkaas ay ku dileen dad ka badan 70-qof tira kale oo badana ku dhaawacay Weerarkaasi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada