Daawo Sawirad:- 14 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Baladweyne oo Muqdisho la keenay,

Daawo Sawirad:- 14 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Baladweyne oo Muqdisho la keenay,

daajis.com:-Waxaa barqadii maanta garoonkaa diyaaradaha Muqdisho kasoo degtay diyaarad magaalada Baladweyne kasoo qaaday dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ee sababay dhimashada iyo dhaawaca tirada badan, iyaddoo diyaaradan ay u dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tirada dhaawacyada ah ee la keenay Muqdisho ayaa ah 14 qof oo dhaawacyadooda halis yihiin, waxaana diyaaraddii siday ay kasoo dejisay garoonka Muqdisho, iyadoo durbadiiba loola cararay isbitaalka AMISOM ee ku yaal xerada Xalane.

Saakay iyo xalay ayaa sedax qof oo aad u liidatay ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray, kuwaasi oo qorshuhu ahaa in iyagana loo soo qaado Muqdisho.

Diyaaraddan soo qaatay dhaawacyada ayaa waxaa la socday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo Muqdisho maalmahan Muqdisho ku sugnaa, kana soo qaaday dhaawacyada magaalada Baladweyn.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasn Sheekh Maxamuud ayaa amar uu soo saaray wuxuu hay'addaha dowladda faray in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxi ismiidaaminta ee Baladweyne.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxaasi sababay khasaaraha intaas la eg, waxaana ku dhintay 16 qof oo dhamaantood shacab ahaa, iyadoo war ay soo saartay ku sheegtay iney ku leysay ciidamo wada jir ah oo ka socda dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Dowladda Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com







Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada