Maamul Usameeyta gobalka Hiiraan oo umuuqata fashil labaad oo ku soo socota dowlada Fedaraalka Soomaaliya.

Maamul Usameeyta gobalka Hiiraan oo umuuqata fashil labaad oo ku soo socota dowlada Fedaraalka Soomaaliya.

daajis.com:-Waxaa maalmihi ugu danbeeyay socday kulama ay dowlada Fedaraalka Soomaaliya ku laheed Magaalada Beledweyna odiyaal iyo wax garad ka soo jeeda gobalka Hiiraan.

Kulmadaan ayaa la sheegay in fashil iyo isfahan daro ay ku soo dhamaadeen sida idaacadaha ay ka sheegayaan qaar kamid ah qaba,ilada daga gobalka Hiiraan kuwaa oo qaarkood ay sheegeen in ay ka baxeen dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayna maamul gobaleed ku dhawaaqi doonaa.

Xildhibaana ka tirsan dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa warbaahinta ka sheegay in dowlada Fedaraalka ay ku fashilmatay maamul usameynta gobalada dalka ka dib marki ay horay ugu fashilmatay maamul usmaeynta Jubbooyinka hadana ay ku soo fashilmatay maamul usameynta gobalka Hiiraan ka dib markii ay mucaaradnima kala kulantay mid ka mid ah beelaha waaweyn ee dgaa gobalkaa.

Hadaba dadka odarasa siyaasada dalka ayaa ku micneeyay fashilka dowlada ee maamul usameeynta gobalada siyaasad xuma iyo istaraatijiyad cad oo dowlada udajin qaabka loo sameeynaya maamulada dalka iyo dowlada oo qaba,ilada daga gobalada aan ka qancin waxa ay tabanayaan.

Ugu danbeeynti arintaan ayaa umuuqata fashil cad oo dolwada fedaraalka Soomaaliya ay kala kulmeeysa maamul usameynta gobalada oo gobala badan dolwada ay gacanta ku heeysa ay ilaa iyo hada maamul buuxa ay usameeyn dowlada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada