Golaha Amaanka oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Golaha Amaanka oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

daajis.com:-Warqad furan oo uu u diray xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon xubnaha golaha amaanka ayaa waxa uu ugu baaqay in kumanaan ciidamo ka socda afrika lagu soo biiriyo Howlgalka AMISOM si loo joojiyo qatarta dhaq dhaqaaqa Al-shabab.

Warqadaan ayaa lagu tilmaamay qeylo dhaan aan horey u dhicin,xukuumada washinton waxa ay arin xasaasi ah u aragtaa guul laga gaaro dagaalka lagu jiro Al-shabab.
Warqada uu u diray xoghayaha guud QM Ban Ki Mun golaha amaanka ayaa waxa uu ku booriyay dhamaan xubnaha golaha in ciidamada AMISOM ka taageraan dhanka maaliyada iyo howglka Melateri ay ka wadaan Soomaaliya sida in lagu taagero diyaradaha qumaatiga u kaca ee helkobtariska,iyo arimaha sirdoonka.

Ban waxa uu ka digay inay jirto baahi ku aadan dar dar galinta talaaboyinka melateri ee ka dhanka ah Xarakada Al-shabab. “wadciga amni ee somalia oo sii xumaada waxa uu caqab ku yahay siyaasada somalia”Ban ayaa sida ku yiri warqadii uu u diray golaha amaanka.

''Guulihi laga gaaray labadii sano ee la soo dhaafay aad ayay qatar ugu jirtaa awooda Al-shabab way sii balaaranaysaa , waxaana ay si hoose u askareenayan dagalamayaal gudaha iyo dibada ay ka qoranayaan,,hadii aan laga hortagin waxa suurta gal ah in ay awoodedi dhaman isku balaariso guud ahaan wadanka Soomaalia'', Ayuu yiri Banki Moon.

Ban ayaa ku baaqay in ciidamo garaaya 4400 askari oo ka socda wadamada Uganda Iyo Burundi labada sano soo socoto lagu soo biiriyo ciidamada AMISOM sidoo kale shaqaale kale oo aan aheyn kuwa dagaal ka qeyb gala balse cawiyaal ah sida in ay qaadan cuntada iyo shidaalka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada